SOMALILAND: Wasaaradda Arrimaha Dibadda Oo Ka Jawaabtay Ergeyga Soomaaliya U Magacowday Geeska Afrika, Badda Cas Iyo Gacanka Cadmeed.

Hargeysa(Hayaannews)Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa jawaab adag ka bixisay ergay Soomaaliya u magacawday Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed.

War-saxaafadeed ka soo baxay maanta Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland, ayay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan: –

Jamhuuriyadda Somaliland waa dal madaxbannaan oo si buuxda oo u maamula xuduudihiisa dhul, bad iyo hawo. Somaliland waa dal bogcad muhiim ah kaga yaal qaaradda Afrika, gaar ahaan Badda Cas iyo marin biyoodka istaraatejiga ah ee Gacanka Cadmeed (Gulf of Aden).

Magaacabista ergayga u qaabilsan Geeska Afrika, Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed  ee maamulka Muqdisho waa riyo maalmeed iyo sheegasho caalwaa ah, ujeedada la ga leeyahay na waa sidii loo marin habaabin lahaa  aragtida iyo fahanka  bulshada caalamka ee ku wajahan qaddiyadda madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland. Sida ku cad khariidadda Qaaradda Afrika ee lagu saleeyey xuduudihii gumeysiga, Soomaaliya meel kuma leh Gacanka Cadmeed.

Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku wargalineysaa beesha caalamka, Midawga Africa, iyo Urur Goboleedka IGAD, in magacaabista ergayga Badda Cas, iyo Gacanka Cadmeed yahay faragalin qaawan iyo dagaal siyaasadeed oo ka dhan ah Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, dawladda iyo shacabka Somaliland waxay si wadajir ah diyaar ugu yihiin difaaca madaxbannaanida, qarannimada iyo dhammaan xuduudaha waddanka wax wal oo ay ku kacayso naf iyo maal.  Jamhuuriyadda Somaliland waa dal hormuud u ah nabadda, iyo dimuqraadiyadda Geeska Afrika, isla markaana leh golayaal si toos ah shacabku u soo doorto, si xor iyo xalaal ah, oo hal qof iyo hal cod ah.

Haddaba, waxa ay Somaliland u caddaynaysaa bulshada caalamka in aanay jirin xildhibaanno ku matala dadka iyo dalka Jamhuuriyadda Somaliland golayaasha sida dadban loo gu doorto Soomaaliya, balse ay yihiin ashkhaas aan cidna ku matalin xilalka ay ku magacaaban yihiin. Waana xilal ujeeddada la ga leeyahay ay tahay indho sarcaad siyaasadeed.

Ugu dambayn dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay marwalba u taagan tahay ilaalinta xisilloonida, nabad ku wada noolaashaha, iyo horumarka gobolka.

Dawladda Somaliland waxa kale oo ay si dhaw u la socotaa xaaladda iyo isbeddelada gobolka ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda.

Mustafe-Janaale

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayannewssoma@gmail.com