SOMALILAND: Wasaaradda Ciyaaraha Oo Hakinaysa Tartanka Horyaalka Caasimada

Hargeysa (Hayaannews)- Wasaaradda dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa joojinaysa ciyaaraha ka socda garoonka Hargeysa Studium.

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Cabdirashiid Caydiiid Yaasiin, ayaa sheegay in tartanka horyaalka Caasimada Hargeysa uu maraayo wiigii lixaad iyada oo ay ka qayb qaadanayaan naadiyada heerka kowaad, labaad iyo sadexaad, taas oo koox kastaaba wigii hal ciyaar la ciyaarto kooxaha ay isku heerka yihiin.

Cabdirashiid Caydiid ayaa sheegay in tartanku nasasho gelidoono marka la gaadho bisha barakaysan ee Rabadaan marka ay dhammaatana dib loo furi doono.

Agaasimaha waaxda Ciyaaraha ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Cabdirashiid Caydiiid Yaasiin, ayaa sheegay in ay fulinayaan awaamiirta ka soo baxay gudiga Covid 19, isla markaana ay joojiyeen dadkii ka qayb gelijiray daawashada Ciyaaraha ee garoonka isaga oo xusay in Ciyaartoyga ay mariyaan baadhitaanka Xumda.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com