SOMALILAND: Wasaaradda Deegaanka Oo Ugaadh Kala Wareegtay Ciidanka Qaranka.

Hargeysa (Hayaannews)-Wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ciidanka qaranka kala wareegtay Ugaadh ay ciidanka qaranku gacanta ku hayeen, iyada oo Ugaadhaasna la gayn doono xarunta Debis oo wasaaraddu u astaysay in Ugaadha lagu daryeelo.

Agaasimaha waaxda duur-joogta ee wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland Cabdinaasir Xuseen Siciid oo hadal ka jeediyay munaasibad kooban oo loo qabtay la wareegida Ugaadhaas, taas oo lagu qabtay miiska saraakiisha ciidanka qaranka, waxaanu sheegay in Ugaadhaasi ay tiradoodu ahayd lix iyo labaatan isugu jiray Cawl iyo Deerooyin, waxaanu intaas ku daray in wasaaraddu bilawday uruurinta noocyada kala duwan ee Ugaadha ku jirta gacanta bulshada, iyada oo wasaaraddu u samaysay goob lagu daryeelo.

Gaashaale Muuse Cabdilaahi Maxamed taliyaha miiska sarakiisha ee ciidanka qaranka, ayaa sheegay in Ugaadhaas ay ciidanka qaranku mudaba gacanta ku hayeen, waxaanu xusay inay maanta si rasmi ah ugu wareejiyeen wasaaradda deegaanka Somaliland, oo qaranka ugu xilsaaran ilaalinta iyo daryeelka duur-joogta.

Ugu dambayn Cabdinaasir Axmed Xirsi agaasimaha guud ee wasaaradda degaanka iyo horumarinta reer miyiga Somaliland ayaa ciidanka qaranka Somaliland uga mahad-celiyay sidii ay u daryeeleen mudadii ay gacanta ku hayeen Ugaadhaas, waxaanu sheegay in markii Ugaadhaasi ay soo galeen gacanta ciidanka qaranka ay ahaayeen laba kaliya, halka ay hadda gaadheen lix iyo labaatan, isaga oo sheegay inay taasi keentay daryeenka ay u sameeyeen ciidanka qaranku, waxaanu xusay in wasaaraddu sii wadi doonto uruurinta Ugaadha.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com