#SOMALILAND: Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Oo Shaacisay Inuu Shidaal Noqday Ceelkii Laga Helay Deegaanka SALLAXLAY.

Hargeysa(Hayaannews): Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa shaacisay inay xaqiijisay inuu shidaal noqday ceelkii laga helay deegaanka Sallaxlay ee degmada Gobolka Maroodijeex.

Kadib baadbis cilmiyaysan oo wasaarada macdanta iyo tamartu ku samaysay dareere madow oo ka soo fatahay goob laga qodayay ceel biyood bishii Sebtember ee sannadkii hore, ayaa la ogaaday in uu yahay shidaal rasmi ah.

Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland, ayaa sheegay in dareerihii shidaalka looga shakiyay uu noqday shidaal,dhawaana la soo saari doono.

“Baadhis cilmiyeysan oo lagu sameeyey natiijadii ceelka degmada Sallaxley wuxuu noqdey shidaal, dhawaana shirkadda Genel Energy waxay bilaabaysaa baadhista iyo soo saarista shidaalka” ayaa lagu yidhi qoraalka wasaarada macdanta iyo tamarta.

Shirkada Genel Energy ee ceelkan qodi doonta,ayaa sannadihii u danbaysay Somaliland ka waday shidaal baadhis, hadaba dowlada Soomaaliya ayaa dhawaan diidmo ka muujisay howlaha ay shirkadu ka wado guddaha Somaliland.


#Hayaannews, Office
Hargeysa, Somaliland