Somaliland: Wasiir Qanbi Oo Shil Baabuur Ka Bad-baaday

Hargeysa, (Hayaannews)-Wefti uu hogaaminayay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland Cabdirashiid Ducaale Qanbi oo ka soo Amba baxay Magaaladda Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer ayaa gaadhi kula Dhacay Deegaanka Oodwayne.

Wasiir Qanbi ayaa waxa uu gaadhigu la dhacay wakhti uu ku guda jiray tira-koob lagu samaynayo dhulka danta guud ah.

Wasiirka oo ay Wehelinayeen Agaasimaha Waaxda Dhulka iyo guryaynta Maxamuud Maal,Agaasimaha Xidhiidhka Goboladda Iyo Saxaafadda Mar Cabdiraxmaan Wirdaani ayaa dhamaantood ka bad-baaday shilka gaadhi balse waxa isagu dhaawac sahlani soo gaadhay Darawalkii Gaadhiga Wadday.

Gaadhiga uu saarnaa wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryaynta somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa isagu gabi ahaamba burburay,Waxaana Waftiga Wasiirku markii kaga waregeen gaadhi kale waxaana ay siiwateen safarkoodii oo hadda waxa ay ku sugan yihiin magaaladda baligubadle ee xarunta gobolka Hawd.

Waftigan wasiirka ayaa diwaan galinayay Danta Guud ee deegaanaddaas ay safarka ku marayeen ku yaala