SOMALILAND: Wasiirka Maaliyada oo Furay Shirka Qorshaha Wasaaradaasi Ee 2021

Hargeysa (Hayaannews)- Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa furay kulan howleed hal maalin soconaya oo lagu dejinayo Qorshaha wasaaraddaasi ee sanadka 2021, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiinta sare iyo waaxyaha kala duwan ee wasaaradda maaliyaddu.

Wasiirka wasaaradda maaliyadda, Wasiir ku xigeenka, Agaasimaha guud iyo xubno kamida Agaasime waaxeedyada wasaaraddaasi oo haddalo ay ka jeediyeen munaasibada furitaanka Shirka,ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu qorshe howleedku u leeyahay fulinta shaqo-sannadeedka Wasaaradda.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta maaliyadda Somaliland Maxamed Cabdi Gurxan oo faahfaahin ka bixiyay u jeeddada kulankaas, ayaa sheegay in la doonayo in laga soo saaro qorshe hawleedka sannadka 2021 ee wasaaradda maaliyadda oo waafaqsan qorshaha guud ee qaranka shanta sannadood, isaga oo u mahadceliyay wasiirka wasaaraddaas Dr. Sacad Cali Shire oo uu sheegay in uu hirgeliyay dejinta qorshe hawleedka sannadlaha ah iyo isla xisaabtanka wasaaraddaasi ee sannadka dhammaadkiisa.

Agaasimaha guud waxa uu masuuliyiinta Waaxyaha Wasaaradda ku booriyey in marka qorshahan la meel mariyo ay si hufan u dabaqaan, si loogu guulaysto gaadhista yoolalka dhow ee wasaaradda, loona hagar-tiro masuuliyadda wasaaraddu qaranka u hayso.

Geesta kale, wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Muuse Ibraahin Yuusuf (Muuse Salaf) oo halkaasi ka hadlay ayaa dhankiisa tilmaamay muhiimadda uu qorshuhu u leeyahay hufnaanta shaqada iyo adeegyada Wasaaraddu bixiso.

Wasiirka Wasaaradda horumarinta maaliyadda Jahmhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo furitaankii kulanka ka hadlay, ayaa uga mahad celiyey madaxda iyo shaqaalaha Wasaaraddaasi sidii ay ugu dhabar adaygeen, isla markaana dedaalka uga muujiyeen shaqada sanadkan 2020 oo sida uu sheegay ahaa sanad adag oo uu ilaha dhaqaalaha saameeyey cudurka Covid19.

Wasiir Sacad, ayaa intaasi ku daray in lagu guulaystay qorshihii Wasaaradda ee sanadka, iyadoo ay jireen duruufaha adag ee lala soo dabaashay.

“waxaan jecelahay in intiina kulanka joogta iyo inta inaga maqanba ku xuso shaqadii fiicnayd ee aad qabateen sanadkan 2020-ko oo ahaa sanad runtii aad u adag, haddana si fiican ee aan uga dabaalanay, ayaan idiinka mahad naqayaa” ayuu yidhi Wasiirku.

Ugu dambeyn waxa ka qaybgaleyaashu halkaasi ku falanqeeyeen tiirarka qorshaha Wasaaradda lagu salaynayo iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, iyadoo ay madax-waaxeedyaduna ay soo bandhigeen fikradaha ay ka qabaan.

#Hayaannews, Office

#Somaliland, Hargeisa