SOMALILAND: Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Oo Daahfuray Dugsiyo Xukuumaddu Ka Hirgelin Doono Gobollada Dalka.

Hargeysa (Hayaannews)-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa daahfuray kow iyo sodon dugsi oo laga hirgelin doono miisaaniyada dawladda.

Waxaana wasiirka ku wehelinayey agaasimaha guud, agaasimaha waaxda maamulka iyo agaasimaha waaxda hantida ee wasaaraddaasi, wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska ee Somaliland oo ka hadlay daahfurkii dugsiyadaas ayaa sheegay in kow iyo sodonkaas dugsi laga hirgelin doono guud ahaan gobollada dalka, isla markaana ay qayb ka yihiin fidinta iyo ballaadhinta waxbarashada si loo daboolo baahiyaha dhanka waxbarashada ee dalka.

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Somaliland  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) ayaa sheegay in ilaa todoba boqol oo deegaan oo dalka ahi ayna lahayn dugsiyadii waxbarashada, wuxuuna daboolka ka qaaday in ay u qorsheysan tahay wasaaradda waxbarashada in sannadka dambe ay hiergeliso laba boqol oo dusi waxbarasho, si kor loogu qaado waxbarashada, isaga oo u mahadnaqay madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda, xisaabaadka qaranka, baanka dhexe iyo cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta dugsiyadaas.

Geesta kale, agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo sayniska Axmed Abokor Maxamed, agaasimaha waaxda maamulka Maxamed Saleebaan iyo agaasimaha waaxda hantida Yuusuf Xuseen, oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya dugsiyadaas laga maalgelin doono miisaaniyada wasaaradda, taas oo ah cashuurtii muwaadiniyiintu bixiyeen dibna loogu celinayo si ay u helaan adeegyada ay uga baahn yihiin dawladda ee ay waxbarashadu ka mid tahay, waxayna u soo jeediyeen bulshada ku dhaqan deegaanada laga hirgelinayo dugsiyadaasi in ay ka faa’iideystaan oo ay keenaan ubadka u baahan waxbarashada.