SOMALILAND: Xukuumadda Oo Mamnuucday Safarada Dhallinyarda Ee Ciidda

Hargesya (Hayaannews) Wasiir ku xigeenka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Naasir Caydiid Maxamed ayaa Sheegay in la joojiyay safaradda dhalinyarada ee maalinta Ciidal Fidriga, isla markaana aan la ogolayn in dhalinyaradu isaga kala gooshto Gobalada dalka.

Naasir Caydiid Maxamed oo shalay Warbaahinta Qaranka la hadlay ayaa ugu baaqay laamaha ammaanka in ay ka diyaar garoobaan sugida amaanka Maalinta ciida,waxaana uu usoo jeediyay Waalidiinta in ay ilaashaadan Caruurtooda.

Naasir Caydiid Maxamed ooo Arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Maalinta Ciida waa Maalin iska mashquul badan xaga Dhalinyarada iyo xaga Dadweynaha,waxaana aan usoo jeedinayaa laamaha amniga in ay ka diyaar garoobaan oo aanay Gobalada dalka u gudbin Baabuurta ay wataan Dhalinyarada ee aanay wadan qof masuuli ahi.Dhalinyaro iska baxda oo Berbera iska qabata looma baahna anaga oo ka duulayna xaga amaan kooda Maalinta ciida waanu joojinaynaa qof aanu la socon Waalid kiisii Waalidkuna Caruurtiisa ha ilaashado,”.

Sidoo kale Wasiir ku Xigeenka Wasaarda Arimaha Gudaha ayaa waxa ugu baaqay Guddoomiyayaasha Gobalada dalka in ay u diyaar garoobaan Xuska 18 May oo fooda inagu soo haya.Waxaana uu yidhi”Waxa fooda inagu soo haysa Munaasibadii 18 May Guddoomiyayaasha Gobalada waxa la joojiyay maritaankii Wadooyinka la mari jiray, laakin lama joojin Munaasibadii kale Xuska 18 May waala qabanayaa.waxaana aan leeyahay ha u diyaar garoobaan Guddoomiyayaasha Gobalada dalka Xuska 18 May,”.