SOMALILAND:Madaxweyne Biixi oo Kormeer ku Tagay Biriijka Caasimada iyo Sayladda Iibka Xoolaha

Hargaysa (Hayaannews): Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay soo kormeeray goobo kala duwan oo ku yaalla caasimadda Hargaysa oo ka mid ahaayeen Sayladda iibka xoolaha nool iyo Biriijka koowaad.

Madaxweynaha waxaa kormeerkaasi ku wehelinayay xubno ka mida golaha wasiirrada, maayarka Hargaysa, badhasaabka gobolka Maroodijeex, taliyaha ciidamadda booliska iyo masuuliyiin kale.

Biriijka koowaad ee uu soo kormeeray madaxweynuhu ayay waxyeelo soo gaadhsiiyeen roobab mahiigaan ah oo maalmihii u danbeeyay ka da’ayay gobolka Maroodijeex iyo caasimadda Hargaysa.

Waxaanu madaxweynuhu u kuurgalay dhibaatadii ka dhalatay Daadadkii ka dhashay roobabkii maalmahan da’ayay iyo waxyeeladda ay gaadhsiiyeen Biriijka koowaad ee caasimadda Hargaysa, kaasoo ay soo saareen qaybo ka mid ah rukumadda uu ku taagan yahay Biriijku.

Madaxweynuhu markii uu gaadhay Sayladda iibka xoolaha nool ee magaaladda Hargaysa waxa uu halkaasi kula sheekaystay qaar ka mida Dilaaliinta xoolaha u kala iibiyay dadka dhulalka Baadiyaha ah ka keenay iyo ganacsatadda.#Hayaannews

Iyadoo ay halkaasi si diiran ugu soo dhaweeyeen dadweynihii kala duwanaa ee joogay Sayladda xoolaha Hargaysa, kuwaasoo muujiyay sida ay ugu faraxsan yihiin booqashadda madaxweynaha Somaliland.

Geesta kale madaxweyne Biixi waxa uu booqday xarunta guud ee xisbiga Kulmiye ee magaaladda Hargaysa, halkaasoo uu kula kulmay hogaanka xisbiga, masuuliyiin iyo hawl wadeena xaruntaasi.

Waxaana madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweeyay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye, iyadoona uu booqashadda madaxweynaha warbaahinta uga warbixiyay af-hayeenka xisbiga Kulmiye C/naasir Aadan Buuni.

Madaxweynaha mid mid u gallay xafiisyadda kala duwan ee uu ku hawl gallo xisbiga Kulmiye, ee ku yaalla xarunta guud ee xisbigaasi ee magaaladda Hargaysa.

 

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com