SOOMAALIYA: Cabdi Xaashi Oo ka Horyimi Go’aanka Dowladda Ee Doorashada

Mudisho(Hayaannews): Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kasoo horseestay go’aanka ay shalay dawladda Soomaaliya ku shaacisay inay ku qabanayso doorashada.

Go’aankaas ayaa imanaya iyadoo weli ay kala aragti duwan yihiin madaxda dawladda iyo labada maamul goboleed ee Puntland iyo Jubbaland iyo musharrixiinta mucaaradka ah.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo ay dhinac taagan yihiin madaxda maamul goboleedyada Galmudug, HirShabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dawladdu go’aansatay in la gudo galo doorashada, si looga baaqsado dib u dhac.

Guddoomiyaha aqalka sare wuxuu sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxweynaha iyo raysal wasaaruhu diideen in la wada hadlo ayna qaataan go’aano sii kala qeybinaya dalka, laguna qabanayo doorasho aan heshiis lagu ahayn.