SOOMAALIYA: Dowladda Oo Sheegtay in Dib U Eegis Lagu Sameynayo Guddiyada Doorashada

Hargeysa(Hayaannews): Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in wakhtigan diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo Guddiyada Doorashada ee khilaafku ka taaggan yahay.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo khudbad ka jeedinayay Tiyaatarka Qaranka ayaa sheegay in dawladdu diyaar u tahay dib u eegis lagu sameeyo xubnaha qaar guddiyada dareenka laga qabo.

Waxaa uu ka dalbaday madaxda dawlad gobolleedyada iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso doorashada in la fuliyo heshiiska doorashada dadban ee horey laysugu afgartay.

#Hayaannews

#Mustafe_Janaale