SOOMAALIYA: Go’aan Laga Gaadhay Dacwad Laga Furay Kursigii Uu Ku Guuleystay Mahdi  Maxamed Guuleed

Muqdisho(Hayaannews): Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka Soomaaliya ayaa go’aan ka gaaray muran ka taagnaa kursiga golaha shacabka ee HOP#239 oo dhowaan uu ku guuleystay ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed.

Kursigan ayaa waxaa dacwad ka dhan guddiga u gudbiyey xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyey, isaga oo sheegay in jufada Mahdi Guuleed aysan laheyn kursiga.

Kadib baaritaan ay malamo wadeen, ayaa qoraal ay maanta soo saareen guddiga xalinta khilaafaadka waxay ku sheegeen inaysan waxba ka khaldaneyn hanaankii loo maray doorashada kursiga.

“Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashadadka Dadban (GXKHDD) ee 2020/2021, asagoo fulinaya qodobada 1-aad, 2-aad, iyo 4-aad, ee ku xusan xilalka iyo waajibaadka GXKHDD ee habraaca lagu dhisay guddiga oo soo baxay 1- dii October 2020, cuskanayana heshiiska odayaasha dhaqanka iyo cadeymaha guddiga loo soo gudbiyay wuxuu go’aamiyay; In hanaanka loo maamuley doorashada kursi lanbar HOP#239 uu yahay mid sax ah oo waafaqsan habraacii loo dajiyay doorashooyinka dadban 2020/2021,” ayaa lagu yidhi go’aanka guddiga.

“Sidaas darteed waxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in ay u fasaxan yihiin laga billaabo maanta oo ah 08/11/2021 ku-dhawaaqista natiiijada rasmiga ah ee kursi Lamber HOP#239.”

Kursiga HOP#239 ayaa ahaa kii ugu horreeyey ee golaha shacabka 11-aad ee Soomaaliya ee la doorto, waxaana Mahdi Guuleed uu ku guuleystay doorasho Muqdisho ka dhacday 1-dii November.

 

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

#Mustafe_Janaale(#MJ)

EMAIL: Hayaannewsonline@gmail.com