Soomaaliya Oo Shuruudo Ku Soo Rogtay Kenyanka U Soo Safraya

Nairobi(Hayaannews): Dowlada federaalka Soomaaliya ayaa maanta shuruudo cusub kusoo rogtay dadka u dhashay dalka Kenya ee imanaya Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dadka sita baasaboorka Kenya laga doonayo inay Visa kasoo qaataan safaaradaha Soomaaliya, ka hor inta aysan dalka iman.

“Iyada oo la fulinayo Siyaasadda dowladda federaalka ah ee xaqiijinta amniga, hagaajinta habka socdaalka dalka iyo yareynta khataraha caabuqa Covid-19, laga bilaabo December 13, 2020-ka, dadka ku safraya baasaboorka Kenyaanka ah ee doonaya inay soo galaan dhulka Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya waxaa looga baahan yahay dal ku-gal, waxayna kasoo qaadan karaan Safaaradaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay hay’adda.

Hay’adda ayaa sidoo kale amartay in Muwaadiniinta Kenyan-ka ah ee sita baasaboorka Dublamaasiga ee dalkaas laga doonayo inay marka hore ogolaansho ka helaan wasaaradda arrimaha dibedda Soomaaliya, kahor inta aysan iman Soomaaliya.

Go’aanka Soomaaliya ayaa imanaya ayada oo xiriirka labada dal uu sii xumaanayo, kadib markii Soomaaliya ay Kenya ku eedeysay “faro-gelin”, lana soo noqotay safiirkeeda, halka ay midka Kenya dalkiisa ugu dirtay wada-tashi.

Hayaannews, Office

Soomaaliya, Muqdisho