“Soomaaliya oo weli ka Murugaysan Kulankii Madaxweye Biixi iyo Uhurra”

Hargeysa (#Hayaannews)- Wargeyska Aarabnews ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay weli ka murugsan tahay xidhiidhka ay Kenya la yeelatay Somaliland, ka dib markii Nairobi ay dal ku tilmaamtay Jamhuuriyadda Somaliland taasi oo hurdo la’aan ku ridday Maamuulka Muqdsiho

Warsidaha ayaa sheegay in Soomaaliya ay cadho ka muujisay qoraal ay dawladda Kenya ku qortay Twitter-ka dib kulan dhexmaray labada Hoggaamiyey ee Somaliland iyo Kenya, qoraalkaasi oo lagu sheegay in labada Madaxweyne ay ka wada hadleen ”arrimo labada dal dan u ah.”

Wargeyska ayaa sheegay in Somaliland ay ahayd Maxmiyadii Ingiriiska , Soomaaliyana uu talyaanigu gumaystay taasi oo keentay in ay midoobaan 1960 si loo abuuro Soomaaliya mid ah, Laakiin ay Somaliland ka go’day markii Soomaaliya ay ku dhacday fowdo lana xasuuqay shacabkeeda.

“Somaliland Waxa ay leedahay dowlad u gaar ah oo saldhiggeedu yahay caasimada Hargaysa, cudud ciidan oo u gaar ah waxayna daabacdaa lacagteeda.

Waxa ay sidoo kale aad uga xasilloon tahay Soomaaliya oo ay hadheeyeen khilaafyo qabiil, musuqmaasuq iyo kacdoon rabshado wata oo ay wadaan kooxda Al-Shabab” ayaa lagu yidhi warbixinta uu daabacay Wargeyska Carabnews.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland