Soomaaliya Oo Xidhiidhka U Jartay Kenya

Muqdisho(Hayaannews): Dawladda Soomaaliya ayaa caawa shaacisay inay xidhiidhkii diblomaasi u jartay Kenya.

Wasiirka Warfaafinta Cusmaan Abuukar Dubbe oo caawa soo saaray war qoraal ah oo uu ka akhriyey telefiishanka qaranka ayaa sheegay in go’aanka ay gaadhay dawladda Soomaalia si ay uga jawaabto xadgudubyada siyaasadeed iyo faragelinta qaawan ee Kenya ku hayso madaxbannaanida Soomaaliya, sida uu sheegay wasiirku.

Waxa uu sheegay wasiirku in Soomaaliya ay dib ula soo laabanayso diblomaasiyiinteeda jooga Nayroobi, waxayna ku amartay diblomaasiyiinta ka jooga Kenya Soomaaliya inay dalka kaga baxaan toddoba maalmood oo ka builaabata 15-ka Diisambar.

Soomaaliya ayaa 29-kii Noofembar ku eedaysay Kenya inay faragelin siyaasadeed ku hayso arrimaha gudaha Soomaaliya, iyo inay cadaadisay madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe si uusan u fulin heshiiskii ay gaareen madaxda dawladda federaalka iyo maamul goboleedyada Soomaaliya.

Dawladda Kenya waa ay beenisay eedaynta dawladda Soomaaliya, waxayna sheegtay inaanay wargelin rasmi ah ka helin Soomaaliya. Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay ixtiraamayso madaxbannaanida waddamada caalamka gaar ahaan kuwa Afrika.

Sidoo kale eedayntaas waxaa beeniyey maamul goboleedka Jubaland. Soomaaliya waxay sheegtay in kulan ay iskugu iman doonaan madaxda IGAD 20-ka bishan Diisambar kaasi oo lagu qaban doono dalka Jabuuti taasina ay jawaab u ahayd cabaqasho ay Soomaaliya ka gudbisay Kenya.

Kenya weli kama jawaabin tallaabadan ay qaadday Soomaaliya. Arrintan ayaa ku soo beegantay Wefti uu hogaaminayo Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo safar shaqo ku jooga dalka Kenya, isaga oo tagay maalintii Axada taariikhduna ahayd 13.12.2020.

Hayaannews, Office

Muqdisho, Somaaliya

Emai: Hayaannewssoma@gmail.com