SOOMAALIYA:Madaxweyne Farmaajo Oo Isku Badallay Taliyayaal Ciidan
October 24, 2020 - Written by admin
Muqdisho(Hayaannews): Madaxweynaha
dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa wareegto uu saaray waxaa
uu isbadal ku sameeyay qaar ka mid ah taliyayaasha ciidamada xoogga dalka
Soomaaliyeed.
Taliye ku-xigeenka Ciidanka
Xoogagga dalka Soomaaliyeed ayaa loo magacaabay in uu noqdo Jen Cabaas Amiin oo
horay u ahaa Taliyaha Ciidanka Dhulka, halka Taliyaha ciidanka Dhulka loo
magacaabay in uu noqdo Jen Maxamed Tahliil Biixi, waxaana ku-xigeenkiisa
noqonaya Col Xusseen Xoosh.
Taliyayaashan la kala badalay ayaa isla maanta la wareegay xilalkooda waxaana ay arintan imaneysaa xili isla maanta Baarlamaanka Soomaaliya uu meel mariyay xukuumadda cusub ee dhawaantan la soo dhisay.