“Suldaan Keyse Badde Wax Baddan Oo Salaadiinta Somaliland ku dhiiran Karin ku Dhaceeda Leh….” Siyaasi Mawliid-QARRO
July 25, 2019 - Written by admin
Hargeysa(Hayaannews): Siyaasi Mawliid Keyse Muxumed (Mawliid-QARO)
ayaa ku sifeeyey Suldaanka cusub ee Abokor Axmed ee Beel-weynta ARAB Suldaan Keyse
Badde Cabdille inuu yahay nin dhaqanyaqaana, dad aqoona oo ay umaddu u baahayd,
isaga oo ILAAHAY uga baryay inuu xilkaasi ku soo asturo.
Mawliid-QARRO waxa uu sidaa ku sheegay mar uu caawa u
waramayay Shabakada Baraarugnews.
“Waxaan bogaadinayaa Suldaanka cusub ee Abokor Axmed ee
Beel-weynta ARAB Suldaan Keyse Badde Cabdille oo lagu caleemo saaray dhawaan Magaalada
Abokor Axmed oo ee ka tirsan degmada Xarshin ee Ka tirsan Gobolka Faafan inuu
ILAAHAY xilkaasi loo caleemo saaray ku soo asturo…..waxaan ugu baaqayaa
madax-dhaqameedka Somaliland inay la shaqeeyan Suldaankan cusub oo hore u ahaa Chief
Caaqil, waa nin dhaqanyaqaana oo dad aqoona oo wakhtigan loo baahnaa.”
“Xilkan dhaqan ee loo caleemo saaray Suldaan Keyse wuu ku
haboonaa, waana nin ku dhac leh oo taariikh weyn ku leh umaddan iyo dalkanba,
waxa uu ka mid ahaa Mujaahidiinta UrurkII SNM” Ayuu yidhi Mawliid Qaro
“Suldaankan Cusubi waxa uu Salaadiintii hore dheeryahay waa
nin ku dhac leh, wax baddan Salaadiinta Somaliland ku dhiiran Karin ku dhaceeda
leh…..Waxaan kula dardaarmayaa Suldaan ahaan inuu umadda ku dhaqo Sinaan iyo
Cadaalad. Dhaqanka iyo Suldaanimada Saddex ayaa u cadow ah, oo kala ah
Gar-eexo, Gudoon Jilicsan, iyo Gacan gudhan waa inaad iska ilaalisaa saddexdasi”
Suldaanka Abokor Axmedka Ee Beel-weynta ARAB Suldaan Keyse Badde Cabdille ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweey duleedka Koonfureed ee Magaalada Hargeysa, kadib markii dhawaan lagu soo caleemo saaray Magaalada Abokor Axmed oo ee ka tirsan degmada Xarshin ee Ka tirsan Gobolka Faafan.