Suldaanka Guud Ee Beelaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelo Walaalo ah Oo Ku Dagaallamaya Gobolka SOOL.

Hargeysa (Hayaannews)- Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Baaq nabadeed u diray Beelo walaalo ah oo ku dagaallamaya deegaanka Ceelka Dhabar-dalool oo ka tirsan Degmada Xudun ee Woqooyi-Bari ee gobolka Sool.

Dagaalka labada Beelood ee Walaalaha ah ku dhex-maraya Ceelka Dhabar-dalool, waxaa Khamiistii shalay ku dhintay 10 Ruux, halka ay Dagaalka Jimcihii maanta dhacayna ku dhinteen 17 Qof, iyadoo tirada guud isku noqonaysa 27 Dhimasho ah iyo Dhaawac intaas ka badan, kuwaas oo lagu soo warramayo inay isku dilayaan Biyaha Ceelkaas, iyagoo marar hore oo dagaallo dhex-mareenna la heshiisiiyey oo aano qabiil ka dhaxayso.#Hayaannews

Suldaan Daa’uud oo Khadka Taleefanka ugu warramay Weriye #Mustafe_Jannaale, ayaa sheegay inuu ka xun yahay in Maalmo khayr badan oo Bilawga Bisha Barakaysan ee Ramadaan lagu jiro Dhiig Islaam la daadiyo, waxaanu ku baaqay in la joojiyo Dirirta, isla markaana waxa laysku hayo wadahadal iyo geed nabadeed lagu dhammeeyo.

“Waxaan aad uga xumahay dirirta Beelaha walaalaha ah ee Reer Somaliland ku dhex-maraysa deegaanka Ceelka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun ee gobolka Sool. Waxaan u Ducaynayaa Dadka halkaas ku dhintay in Allaah naxariistiisa Janno ka waraabiyo, Samir iyo iimaan Saadiq ahna dhammaanteen iyo Qoysaskii ay ka baxeenba ka siiyo, inta ku dhaawacantayna Allaah caafiyo. Waxaan ku baaqayaa in la joojiyo Dagaalkaas Maalmaha Bisha Barakaysan ee Ramadaan aynu ku jirno halkaas ka dhacay.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray; “Waxaan u soo jeedinayaa Waayeelka, Wax-garadka, Salaaddiinta, Cuqaasha iyo Siyaasiyiintaba, in dagaalkaas sidii loo joojin lahaa loo guntado. Beelaha walaalaha ah waxaan u soo jeedinayaa inay joojiyaan dagaalka oo aan dhiig dambe daadan, isla markaana wax kasta oo laysku hayo lagu dhammeeyo wadahadal iyo geed nabadeed oo la isugu yimaaddo, oo caqligu shaqeeyo ee aanu qorigu shaqaynin. Daggaal Wiil baa ku dhinta ee Wiil kuma dhasho, waxaan ku celcelinayaa in la joojiyo dirirtaas Dadka walaalaha ah ee Wiil iyo Abtigii iyo Wiil iyo Adeerkii ah u dhexeeya.” Ayuu yidhi Suldaan Daa’uud.

Suldaan Daa’uud waxa uu Allaah uga beryey guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaanna dadka reer Somaliland, inuu Allaah ka dulqaado Cudurka Covid-19 iyo Abaaraha Bulshada Miyiga aadka u saameeyey bilihii u dambeeyey.

“Allaah waxaan Somaliland iyo Ummadda Islaamkaba uga baryayaa inuu innaga dulqaado Cudurka Covid-19 ee dalkeenna iyo dunidaba ku soo laba kacleeyey oo saamayn badan ku yeeshay guud ahaan Dunida. Allaah waxaan ka baryayaa inuu Abaaraha innaga dulqaado oo Raxmaadka Gu’ga innoo shubo, dagaalladana innaga qaboojiyo. Horumar iyo Barwaaqo ayaan innoo rejaynayaa iyo in Allaah Bishan Bisheeda innagu gaadhsiiyo, Nabad, Barwaaqo, Horumar, Midnimo iyo Caafimaad. Bisha Barakaysan ee Ramadaanna Allaah khayrkeeda ha inna siiyo, Cibaadada, Alla ka Cabsiga, Soonka iyo Baryada Illaahayna aynu ku dedaalno.” Sidaa ayuu yidhi Suldanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com