Taliyaha Booliiska Oo Sheegay In Sharciga La Horgeyn Doono Dadka Aflagaadeeya Ciidamada Somaliland

Hargeysa (Hayaannews)- Taliyaha Ciidanka Booliiska Sareeye Guuto Maxamed Adan Saqadhi ayaa shaaca ka qaaday in sharciga lala tiigsan doonaan dadka warbaahinta & baraha bulshada ka caaya ama ku qora arrimaha ciidamada kala duwan ee Somaliland, isla markaana sheegay inay soo qaban doonaan dad ciidamada Booliiska iyo Qaranka ku eedeeyey inay dadka qafaashaan.

Taliyaha Booliiska S/Guuto Saqadhi oo hadal u jeedinayey saraakiil ka qalinjebisay Kuliyadda Saraakiisha Ciidanka Booliiska ayaa sheegay inaanay macquul ahayn in maalin walba dadka qaarkii arrimaha ciidamada ku baahiya baraha bulshada ama warbaahinta, isla markaana u soo jeediyey qofkii cabasho qaba inuu dariiqa sharci u maro.

“Dadweynaha waxaan u sheegayaa in warbaahinta Ciidamada wax lagaga sheego waa khalad. Dadka yar ee warbaahinta wax ku qorow, ciidamada waxba lagama qoree , ka daaya. Hadaad cabasho qabtid bog cabasho oo saraakiil xukunto ayaa jira la soo xidhiidh. Hadaad doonayo xeer-ilaalinta iyo maxkamada dacwadaada u gudbi. Inaad sida basash ciidanka fadho, oo waxaad doonto ku hadasho Walaahi..Bilaahi kaa yeeli mayno. Qof walba waxuu ku qoro waan diiwaangelinaa, maalinta la soo qabtana wuu barooran doonaa.

Taliyaha Booliiska ayaa shaaca ka qaaday inay talaabo ka qaadi doonaan dad sheegay in ciidamadu dadka qafaashaan, isla markaana caddeyntooda looga fadhiyo, waxaanu yidhi,“Ninbaa dhowr jeer ku celceliyey ciidanku waxbuu qafaashaa, isagaa caddeyn doonaCiidanka Booliiska & Ciidamada Qaranku halkay wax ku qafaashaan? Maxkamadaan horgeenayna? ma yeelayno in ciidamada sirtooda warbaahinta lagaga sheekeeyo ama ciidanka booliiska ama ciidamada kale ha noqotee? Ninka cabasho qaba boga booliiska ha ku qoro, madaxda booliiska ilaa anniga hala xidhiidho

Taliyaha Booliiska ayaa bulshada kula dardaarmay inaanay malo-awaal uga hadlin mmarka qof la xidho, balse qofkii xaqiiqada doonaya kala xidhiidho hay’adaha ku shaqada leh, waxaanu yidhi,

“Dadweynaha waxaan u sheegaya qof baa la xidhayaa, markaasaad maqlaysa hebel baa la xidhay? Hebel baa la xidhay? Waar waa la xidhayaa! Oo berri iyo saadambe ayaa la soo qabanayaa, oo ka u weyn iyo ka u yarba waa la xidhayaa, dembi buu galay, adeer miyaad war u haysaa? Xeer-ilaalinta tag weydii dembigiisa? Booliiska u tag weydii dembigiisa? Maxkamada tag weydii dembigiisa? Hubi adeer ninkani waxuu u xidhan yahay, maxaad isaga qeylinaysaa, hubi waxuu u xidhan yahay? Bal Imika rag baa la soo qabtay kiriminal ah, oo foogeri sameeyey, oo been-abuur sameeyey, maxkamada iyo xeer-ilaalinta ayaa dembigiisa la horkeenayaa? Ragna waxay ku qeylinayaan hebel baa la xidhay?

Taliye Maxamed ayaa sheegay in qofka eedeysane la xidhay u qeylinaya yahay mid fowdo wada, sharcigana la tiigsan doonaan, hadaanu ka waantoobin. “Qofka qeylinaya isagaa fowdo wada? Ninka eedeysanaha ee dembigiisa booliisku soo cadeeyey ee xeer-ilaalinta iyo maxkamada loo gudbiyey, sugi la’ ee dawlada iyo qaranka wax ka sheegaya? Isaga fowdo doonaya, noocuu doono ha ahaadee, Walaahi waanu la soconaa? Nina sharciga kama sareeyo, anniga (Taliyaha) iyo ka qeylinaya midna? Ciidanka booliisku intuu soo eedeeyo ayuu soo qabanayaa? Haduu xasaaand leeyahay, dariiqa loo maro waan naqaan. Ciidamada Qaranka JSL in warbaahin laga caayo sharci iyo Dastuur midna ma ogola ogola? Talaabo ayaan ka qaadi doonaa, qofkii lagu helo. Nin eedeysane ah oo xeer-ilaalinta iyo booliisku kiiskiisa maxkamada u gudbiyey qof yidhaahda maxaa loo xidhay ma ogolaan doono? Qof kastoo dembi gala waa la qabanayaa? Ayuu yidhi Taliye Maxamed

Taliyaha Ciidanka Booliiska S/Guuto Maxamed Saqadhi ayaa kula dardaarmay saraakiisha tababarka loo xidhay iyo guud ahaan ciidanka booliiska inay waajibaadka Salaada gutaan.

“Qof aan ilaahay ku xidhnayn waxba maaha, waa waxii la inoo abuuray, qof walba waa inuu salaada tukadaa, ciduu xukumana faraa. Qofku marka diintu qalbigiisa gasho ayuu daacad Qaranka, Madaxdiisa, Dadkiisa u noqonayaa, xaaraanta & cadaalad-daraddana iska ilaalinayaa, oo qof jira noqonayaa.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay Taliye Maxamed

#Hayaannews,Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com