Taliyaha Ciidanka Qaranka oo Marxalad Taariikhiya ku Sifeeyay Barnaamijka Shaqo Qaran

Dararweyne (Hayaannews) Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani, ayaa sheegay in ay tahay marxalad taariikhiya in ay hal mar kun iyo dhawr boqol oo dhalinyaro ah mustaqbal yeeshaan, islamarkana ay ku soo biiraan Qaranka, nasiibna u heleen inay shaqo galaan.

Sidoo kale Sarreeyaan Nuux Ismaaciil Taani waxaa uu xusay in ay dugsiyadii kala duwanaa ee tababarka ciidamada in iyaga dartood ay u xidheen si ay u aflaxaan.

Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland sarreeye gaas Nuux Ismaaciil Taani isaga oo arrimahaasi si waafiya uga hadlaya waxaa uu yidhi “Maalintii dhaweyd ee 18-ka May markii ay mareen meelo badan oo aanu war ka helnay aad iyo aad ayaa loola yaabay, waa laga khalkhalay oo waxaa la yidhi ciidamada intaa le’eg ee ay Somaliland sameysatay halis ayay yihiin baa la yidhi, mudane madaxweyne markii ay halkan salaanta marayeen waxaa aan hoosta ka jecleystay in ay intaasiba ciidankeyga noqdaan, hase ahaate wax weyn ayay inoo qaban doonaan oo waa dadkii cilmiga lahaa ee mustaqbalka dadkan hogaamin lahaa weeye.”

Geesta kale Taliye Taani waxaa uu barnaamijka shaqo qaran uu ku sifeeyay marxalad taariikhiya waxaanu yidhi “Madaxweyne halkan saddex bilood ka hor 3-kuuliyadood ayaa halkan ku yaalay, mid saraakiil xigeenku wax ku bartaan oo Harag Waafi la yidhaaho, mid Kuuliyadda saraakiisha Cabdillaahi Askar loogu magac-daray, iyo Kuuliyadda Dhibooga, 3-da Kuuliyadood ayaa ku yaala dugsiga Dhibooga, waxaanu xidhney wax alaale wixii tababar ahaa, ee ciidamadu ay geli jireen ayaanu u xidhney iyaga dartood si ay wax u bartaan, macalimiintiina xagooda ayaanu u jaheynay, way istaahilaan mudane madaxweyne oo waa raggi anaga na badelilahaa ee wadanka hogaaminlahaa weeye, mudadii ay joogeena way akhlaaq wanaagsanaayeen oo wax dhiba lagaa soo sheegin, akhlaaqadooda iyo xero joogoodaba, cilmigu ninka doqonka ah nin ayuu ka dhigaa ninka raga ahna laba nin ayuu ka dhiga, Dhibooga 9-bilood ayay nagu qaadata laakiin iyagu 3 bilood ayay nagu qaadatay inay gaardiska ku maraan, waa marxalad taariikhiya in kun iyo dhawr boqol inay mustaqbal yeeshaan, Qarankana ku soo biiraan, shaqaalena ay noqdaan, waaney nasiib badan yihiin wakhti aad madaxweyne dalka ka tahay in wadanka ku soo hagaagan”