Tallaalka Covid19 oo soo Gaadhay Somaliland

Hargeysa, (Hayaannews) Diyaarad siday shixnad ka kooban tallaalka cudurka Covid-19 ayaa shalay soo gaadhay caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland, taasi oo ka soo dagtay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport.

Tallaalkan oo noqonaya kii ugu horreeyey ee nooccciisa ah ee soo gaadha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ah nooca loo yaqaano COVAX, kaas oo lagu wareejiyey Wasaarada horumarinta caafímaadka Jamhuuriyadda Somaliland.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa sheegay in tallaalka qaybtiisa hor-dhaca ah la siin doono bahda Caafimaadka oo heegaan ugu jira xakamaynta Cudurka Faafaya.

Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye   ayaa ka warbixiyay shixnadda tallaalka ah ee soo gaadhay Somaliland, waxaanu yidhi “Maanta waxaa ina soo gaadhay tallaalkii xanuunka Covid-19 oo si toos ah uga yimid magaalada Nayroobi ee dalka Kenya, waana       qaybtii ay sugaysay xukuumadda Somaliland.

Haddii aan wax yar ka iftiimiyo tallaalkan, waxa weeye aaladii lagaga hortagayay xanuunka Covid19. Markaa bulshada waxaan kula dardaarmayaa in ay qaataan tallaalkan, wasaaradu waxay diyaarisay qorshe dhamaystiran oo aanu la wadaagi doono bulshada, waxaanu tababar siinayay shaqaale, kadibna waxaa la bilaabi doonaa sidii loo qaadan lahaa tallaalkan, bulshada waxaan kula dardaarmayaa hadba bulshada hormada loo qorsheeyo in ay qaataan tallaalkani in ay si fiican oo dhamaystiran uga faa’iidaystaan.”

Wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka Somaliland ayaa u mahad celiyay cid kasta oo kaalin ka qaadatay sidii ay Somaliland u heli lahayd tallaalka xanuunka Covid19, waxaanu yidhi “Waxaan u mahad cilinayaa cid kasta oo talo iyo tamar ba ku darsaday sidii ay Somaliland qaybteeda uga heli lahayd tallaalka Covid19 ee loogu talo galay dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo.

Maanta halkan waxaanu kula wareegaynaa shixnad ka mid ah Tallaalka Covid19, oo loogu talo-galay 65 kun oo qof, iyada oo wasaaraddu bilk a hor ay bilowday ciddii la siin lahaa tallaalkan, kuwaasi oo ay ka mid yihiin shaqaalaha caafimaadka, macalimiinta iyo shaqaalaha kale ee ka hawl gala goobaha iyo ilaha ururinta dhaqaalaha. Qaybtani waa qaybtii koobaad, waxaanu rajaynaynaa in ay sidaa hawshu u socoto.”

Wasiirka wasaarada Diinta iyo Aw Qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed ayaa isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, isaga oo bulshada kula dardaarmay in ay ka faa’iidaystaan tallaalkan, waxaanu yidhi “Tallaalkani waa mid la hubiyay oo la soo caddeeyay waana mid ku haboon ka hortagga xanuunkan. Illaahayna waxa uu inagu yidhi digtoonidiina qaata oo is badbaadiya. Rasuulkeenuan (CSW) in badan ayuu inala taliyay oo inagu yidhi is daweeya.”

Dhinaca kale Wasaarada caafímaadka ayaa sheegtay in tallaalkan la siin doono dadka shaqaalaha ah ee safka hore kaga jira la dagaalanka COVID19 kuwaasi oo kala ah Ciidanka ammaanka iyo shaqaalaha cashuuraha ururiya, kuwaas oo inta badan la kulma dad farabadan.

Tallaalka ayaa kusoo beegmay xilli ay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland, sheegtay in Xanuunka Covid_19 uu meel halis ah ka marayo dalka, isla-markaana ay kordhayaan Dadka u dhimanaya iyo kuwo soo ridanayaa.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com