Tirada Dacwadaha Soo Galay Maxkamadaha Somaliland Iyo Sidii Loo Maareeyay

Hargeysa (Hayaannews):- Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ahna guddoomiyaha guddida cadaaladda jamhuuriyadda Somaliland, garyaqaan Aadam Xaaji Cali Axmed, ayaa ka warbixiyay waxqabad-sannadeedkii maxkamadaha dalka u qabsoomay sannadkii dhammaaday ee 2020-ka.

Guddoomiyuhu waxa uu ugu horrayn ka warbixiyay tirada dacwadaha soo galay maxkamadaha kala duwan ee waddanka, waxaanu sheegay in sannadkii 2020-ka ay maxkamadaha dalka, soo galeen 23, 810 dacwadood, oo iskugu jira madani, ciqaab iyo fullin. Dacwadaha madaniga ah ayaa tiradoodu dhamayd 12,879 dacwadood, sidoo kale dacwadaha ciqaabta ah ayaa tiradoodu dhamayd 8,816 dacwadood, halka tirada dacwadaha fullinta ah ee maxkamaduhu fuliyeen ahayd 2,115 dacwadood.

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in isku geynta dacwadaha madaniga iyo ciqaabta ah ee sannadkii hore ay maxkamadaha wadanku ka garnaqeen dhamaayeen 19,066 dacwadood, taasi oo la micno ah in 87% la dhameeyay, halka 13% ay wali socdaan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in sannadka 2020 ay sare u kaceen dacwadaha soo galay maxkamadaha kala duwan ee dalku, mar uu ka hadlayay arrintaasina waxa uu yidhi “ Sannadkii hore ee 2019-ka markaynu u eegno sannadka 2020-ka, dacwaduhu way kordheen, oo dacwaduhu waxay noqdeen 23, 810 dacwadood, halkay 2019-kii ka ahaayeen 18, 456 dacwadood.

Geesta kale waxa uu guddoomiyuhu ka warbixiyay waxqabadka kale ee maxkamadaha dalka u qabsoomay, waxaanu sheegay in sannadka 2020-ka dhisme kordhin iyo dayactir lagu sameeyay xarumaha maxkamadaha gobolada Sanaag, Daadmadheedh, Gabilay iyo xarunta maxkamadda sare, halka dhismaha maxkamadda racfaanka gobolka Maroodi-jeexna ay marayso meel gebo-gebo ah. Mar uu guddoomiyuhu ka hadlayay kobcinta aqooneed ee garsoorayaasha, kaaliyeyaasha, gaadhsiiyeyaasha iyo hawl-wadeenada kale ee maxkamadaha dalka, waxa uu xusay in sannadka 2020-ka, 83 arday oo iskugu jira degree iyo master loo fidiyay deeq-waxbarasho, taas oo ay iska kaashadeen hay’adda garsoorka iyo jaamacadaha wadanka. Halka 13 tababar oo la qabtayna ay ka faa’iidaysteen 200 oo ka mid ah garsoorayaasha, kaaliyeyaasha, gaadhsiiyeyaasha iyo hawl-wadeenada kale ee garsoorka.

Guddoomiye Aadan waxaa kale oo uu ka hadlay caqabadaha ku xeeran garsoorka, sida agabka iyo kaabayaasha, sidoo kale,waxa uu ka waramay duruufaha ay ku shaqeeyaan hawl-wadeenada maxkamaduhu iyadoo gaadhsiisan heer ay xitaa naftooda ku waayaan, isagoo tusaale u soo qaatay labadii garsoore ee la dilay iyagoo ku hawlan waajibaadkooga shaqo.

“Sannad walba dacwaduhu way kordhaan. Sababtu wax kale maaha, kalsoonida dadku ay ku qabaan hay’adda garsoorka ayaa sannad walba sare u sii kacaysa, kalsooni xooggan ayay ku qabaan dadku, bulshadu imika 90% in ku dhaw garsoorkay yimaadaan, nidaamadii kale ee dhaqanka ama dadbanaa halkan bay ka door bideen, dacwadihii way deg-degayaan, dhakhsaa loo kala saarayaa, fullintii baa fudud, markaa arrintaasi waa arrin aad loogu farxo.”

Guddoomiye Aadan Xaaji Cali oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay.“Garsoorku waa rukunka saddexaad ee Qaranka waana hay’adda ugu waxqabadka badan leh, sababta oo ah waa meesha dadka kala haysa, ama dawladdnimada u ah udub dhaxeedka”

Guddoomiye Aadan isaga oo hadalkiisa siiwata waxaa uu intaas raaciyay in 12-ka, Jaamacadood oo dalka ay kula jiraan heshiis dhanka waxbarashada ah.“Garsoorku waxaa uu heshiis kula jira jaamacado gaadhaya 12 jaamacadood inay waxbarasho dhammeystiran siiyaan, iyo qofkasta oo ka yimaada hay’addahan garsoorka iyo kuwa la hal maala inay siiyaan boqolkiiba konton, marka saddex iyo sideetan qof ayaa helay waxbarashada heerka koobaad ee Jaamacada, ama waxbarashada heerka labaad ee Jaamacada, isuguna jira waxbarasho buuxda oo dhammeystiran iyo mid boqolkiiba konton ah, sannad walba intaas iyo in ka badan ayaa wax barata waana waxbarashada muddada dheer.

Marka sannadkan oo kaliya waxaa Jaamacadaha dalka ka soo qalin jabiyay hawl wadeenada garsoorka, qaybihiisa kala duwan ah, ee hay’addaha kale ee Dastuuriga ah, jaacadahaasina waanu u mahad celinayna, muuqaalo arrimahaasi ka hadlayana waxaanu soo saaraynaa”

Waxa uu sidoo kale guddoomiyuhu tilmaamay in ay dardar galiyeen sannadka 2020-ka maxkamadaha guur-guura, waxaanu sheegay in garsoorayaasha maxkamadda sare bil walba u baxayeen gobolada Somaliland, bari iyo galbeedba iyadoo bishii 12-aadna ay u guureen gobolada bari ee dalka. “Waxaa maxkamado guur guura sameeyay maxkamadaha Racfaanada iyo kuwa gobollada iyo degmooyinka, iyada oo mid waliba meelaha ay maamul uu gaadho, isuguna jira xeer ilaalinta iyo garsoorka, maxkamaddaha guur guura gabigooda bariga ayaanu u rarnay, dhawr iyo sideetan dacwadoodna waanu dhammeynay, dadkiiba loo dhaweeyay cadaaladdii iyo garsoorkii, si dadka danyarta ah ee aan waxba haysan ee aan Hargeysa iyo meelaha fog fog iman karin ay xaqoodii u helaan, maxkamaddaha racfaankuna hoos ayay u daadagaan oo ilaa tuulooyinka ayay tagaan”

Dhanka kale waxaa uu xusay in ay wadaan qorshe midaynaya dacwadaha midaniga ah waxaanu yidhi. “Waxaa kale oo aanu wadna hab casriya kaas oo sahlaya in la isku xidho dacwadaha madaniga ah iyo dhulka in la isku xidho, si-si fudud dadka loogu gar-qaado, sannadkan aynu ku jirno gudihiisa ayaanu eegayna in la dhammeystiro haddii ILLAAHEY yidhaaho, waana arrin Tijaabadeedii iyo tababaradeedii waxaasi oo dhami ay socdaan, iyada oo dacwaddo waaweyn oo muddo dheer socday sulux lagu soo afjaray, ”.

Waxa kale oo uu guddoomiye Aadan sheegay in guulo waaweyn laga gaadhay xoojinta xidhiidhka is-kaashi ee ay Somaliland la leedahay wadamada caalamka, isagoo xusay in hay’adda garsoorku tababaro iyo aqoon-korodhsi u dirtay garsoorayaasha maxkamadaha dalka, wadamada saaxiibka dhaw la ah Somaliland, haddii ay noqoto dalalka Afrika iyo caalamka kale. “Waxaa kale oo aanu aad u xoojinay xidhiidhka caalamiga ah ee dibedda, waxaa jiray garsoorayaal badan oo dalka dibadiisa u baxay oo tabbabaro iyo hawlo kaleba u tegay oo maxkamadda sare iyo maxkamaddaha kala duwanba leh, markaa wufuudda caalamiga ah ee timaada garsoorka macluumaad badan ayay u soo raadsadaan, waanay la kulmaan”

Guddoomiyaha maxkamadda sare waxa uu baaq u diray, bulshada qaybaheeda kala duwan, hay’addaha dawliga ah iyo waalidka, sidii looga hortagi lahaa arrinta ku aadan dambiyada ay galaan dhallinyarada, iyadoo loo raadinayo xal aan ahayn xabsiyada.”Marka cuqaasha iyo dadka dhaqanka iyo culimada oo shareecadii haya door wanaagsan haka ciyaaraan, sababto ah in qofkasta maxkamaddaha yimaado, oo qofkasta la yidhaahdo gar ayaa la idiin furaya culeyskeeda ayay leedahay, dadkana waxaa wanaagsan inta aanay maxkamaddaha iman in ay heshiiyaan, walaaloobaan marka ay maxkamaddaha yimaadana, sida boqolkiiba sideetan loo dhammeeyay ayay maxkamaddu u shaqeynayaan”

Ugu danbayn waxa uu guddoomiyuhu uga mahad-celiyay madaxweynaha qaranka Muuse Biixi Cabdi iyo madaxweyne ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) doorka muuqda ee ay ka qaataan socodsiinta baahiyaha hay’adda garsoorka, waxa uu sidoo kale guddoomiyuhu u mahadnaqay dhammaan guddoomiyayaasha, garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada kale ee maxkamadaha, waxaanu ku amaanay hawsha wanaagsan ee ay bulshadooda u hayaan, isagoo ku tilmaamay naftood hurayaal u heelan horumarinta qarankooda. Sidoo kale waxa uu guddoomiyuhu u mahadnaqay golayaasha qaranka ee wakiillada iyo guurtida, Booliiska, Asluubta, ururada qareenada, komishanka xuquuqul insaanka, guddida shuruucda, ururada bulshada, warbaahinta iyo dhammaan hay’addaha dawliga ah iyo kuwa gaarka ah ee ay wadashaqaynta wanaagsan leeyihiin hay’adda garsoorka jamhuuriyadda Somaliland.