Toddoba Iyo Tobban Magaalo Oo Turkeyga Ku Yaal Oo Gubanaya, Iyo Madaxweyne Erdogan Oo Ka Hadlay

ANKARA(Hayaannews):  In ka badan 71 kaymood (Forest) oo ku kala yaal ugu yaraan 17 magaalo oo Turki ah ayaa dab qabsadey laba maalmood 28 bishan ilaa hadana gubanaya,

Ilaa hada ma cada sababta rasmiga ah ee ka dambeysay shilkan, iyadoo dadkan qaar tilmaamayaan in cimilada isbedelaysa awgeed dabkani sababey halka dadka qaar iyo xubno Madaxda dalkani aaminsanyihiin In dabkan ay ku lugleeyihiin ururka PKK.

Wasiirka Beeraha iyo Dhirta Turkiga ayaa sheegay in dababka isku mar ka dhacay meelo badan oo aan dabayshu sii wadin ay tahay sababta ugu weyn ee ka dambaysa shakiga sii kordhaya.

“Tani ma aha wax aan iska indha tiri doono. Dhammaan, kuwani waa dabab, inkasta oo meelo kala duwan ka dillaacay, haddana isku mar dhacay, min Manavgat ilaa Marmaris iyo Bodrum,” ayuu yiri Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo la hadlay warbaahinta Jimce.

Dadaal aan kala joogsi lahayn oo ay sameeyeen dab-demisku waxay xakameeyeen 57 dab laakiin ugu yaraan 1140 goobood ayaa weli gubanaya. Dadka deegaanka ayaa kaalin lama huraan ah ka qaadanaya dadaallada dab -damiska maaddaama ay biyo u qaadaan goobaha iyagoo wata baabuurta gaarka loo leeyahay.

Erdogan ayaa sheegay in dhowr diyaaradood loo diray inay damiyaan dabka, oo ay ku jiraan kuwii laga soo iibsaday Ruushka iyo Ukraine. sidoo kale waxa dheer 38 helikobtar, 9 baabuur oo aan cidi wadin, 680 booyadood oo biyo ah, iyo 4.000 shaqaale ah oo horeba uga shaqaynayey daminta dabka.

Ka dib dhacdadan, Turkigu wuxuu  diyaarado kale u diray Waqooyiga Ciraaq si uu u sameeyo hawlgal gebi ahaanba ka duwan. Waxay garaaceen ku dhawaad ​​40 bartilmaameed oo PKK ah, iyagoo isla markiiba burburiyay, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca Qaranka Turkiga.

Dhinaca kale, Turkiga ayaa baadhaya waxa sababay dabka kaynta ee ka socda magaalooyin kala duwan. Masuuliyiin Turkiga u hadley ayaa sheegay inaan doorka PKK ee ah inay dab qabadsiiyaan keymaha aanu meesha ka maqneyn.

Dabka ka kacay badda Mediterranean -ka, oo ah halbowlaha dalxiiska Turkiga, ayaa muddo laba maalmood gudahood ah lagu burburiyay 2,000 hektar oo dhul ah.

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com