Trump iyo Biden Oo Yeelanaya dooddii Ugu Dambeysay

Washington(Hayaannews): Madaxweyne Donald Trump iyo madaxweyne ku xigeenki hore ee Mareykanka Joe Biden oo labaduba ku tartami doona doorashada madaxtinimada ee bisha danbe, ayaa caawa yeelan doona dooddi ugu danbeysay oo ay si fool-ka-fool ah isaga hor imaan doonaan.

Labada musharrax oo ku jira da’da todobaatameeyada ayaa dooddoodii koowaad aad isu weeraray, isla markaana hadalka iska boobayay, haba ugu darnaado madaxweyne Trump, arrintaasoo dadka ka faallooda siyaasadda Mareykanka ay ku sheegeen in ay ka dhigtay dooddii ugu xumeyd taariikhda siyaasadda Mareykanka.

Hase yeeshee doodad caawa, ayay guddiga qaban-qabaada doodaha oo ah guddi madax bannaan sheegeen, in labada daqiiqo kasta ee la siiyo musharrax ay makarafoonka ka damin doonaan musharraxa kale si warka loo kala helo.

Wariyaha dhex-dhexaadinaya doodad, Kristen Welker oo ah saxfiyad ka shaqeysa TV-ga NBC News, ayaa soo xulay lix qeybood oo ay ka dhigtay mowduucyada doodad, kuuwaasoo kala ah, Dagaalka COVID-19, Qoysaska Mareykanka, Arrimaha isirka ee Mareykanka, Isbaddalka Cimiladda, Amniga Qaranka Mareykanka iyo hogaaminta.

Labada musharrax ayaa ku dadaali doona sidii ay u soo jiidan lahaayeen, dadka aanan wali go,aan ka gaarin cidda ay u codeyn doonaan, hase yeeshee in ka badan 40 milyan oo qof ayaa mar hore go’aansaday oo codadkooda ka dhiibtay doorashada, qeybo ka mid ah gobollada oo dadka loo ogolaaday in ay codeyn karaan ka hor maalinta weyn ee 3-da bisha November oo ay inanga xigto wax ka yar labada todobaad.

VOA SOMALI