Turky(Hayaannews):
Tirada dadka ku dhintay dhul gariir xoogan oo Jimcihi shalay ka dhacay
magaalada Izmir ee dalka Turkiga ayaa gaadhay ugu yaraan 26 qof, halka dhanka dalka
Greece uu isna dhul-gariirku ku dilay laba qof.
Kooxaha
badbaadada ayaa dadaal xoog leh ugu jira sidii ay burburka hoostiisa uga soo
saari lahaayeen dad la la’yahay oo ay u baddan tahay in ay ku hoos jiraan
burburka guryaha dumay.
Illaa
iyo hadda waxaa la soo badbaadiyay hooyo iyo saddex carruur ah oo ay dhashay,
kuwaasoo muddo ku dhaw 18 saacadood ah ku hoos jiray burburka dhismayaal ku
dumay magaalada Izmir oo ahayd meesha uu sida aadka ah ugu dhuftay
dhul-gariirku.
Shaqaalaha
gurmadka waxa ay sheegeen in ay hadda dhameystireen baadhiaanka 8 guri oo uu
dhul-gariirku dumiyay, halka ay u hadheen 9 kale oo burbursan.
In
ka baddan 800 oo qof ayaa ku dhaawacmay dhul-gariirkii shalay ka dhacay
magaalada saddexaad ee ugu weyn Turkiga ee Izmir.
Dhul-gariirka
ayaa burburiyay ugu yaraan 20 dhisme oo ku yaal magaalada Izmir, taasoo argagax
ku abuurtay magaalada isla markaana kicisay mowjado hirar ah oo ku soo dhacay
deegaannada xeebta iyo jasiiradaha.
Mid ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in labadeeda waalidba ay wali burburka ku xayiran yihiin. “Ma aanan helin wax war ah. Ma aanan helin wax war ah,” ayay haweeneydan u sheegtay Reuters, mar wax laga weydiiyay isku dayga ay ku doonayso inay ku hesho xogta waalidkeed.
Wasiirka
deegaanka ee Trukey Murat Kurum ayaa sheegay in ilaa iyo hadda 100 qof la soo
badbaadiyay.