Uganda Airlines Oo Bilaabaysa Duulimaad Isku Xidhaya Hargeysa iyo Kampala

Diyaaradda Laga leeyahay Wadanka Uganda ayaa markii ugu horeysay taariikhda waxa ay duulimaadyo isku xidhaya magaalooyinka Kampala iyo Hargeysa qorshaysay in bilawdo dhawaan.

Magaalooyinka cusub ee maamulka diyaaradaasi ay sheegeen in ay diyaaradu duulimaadyadeeda ka bilaabi doonto ayaa kala ah Kinshasa, Zanzibar, Asmara oo  Eritrea, Hargeisa(Somaliland), Lusaka, Harare, Johannesburg Djibouti iyo  Addis Ababa.

Diyaaradan ayaa hore u bilawday safaro ay ku tagaysay magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Dar es Salaam, Kilimanjaro, Juba, Bujumbura and Mogadishu.

Waxa uu maamulka diyaaradaasi ay sheegeen in Duulimaadyaddan cusub ee dalka Ugaanda ku xidhaya dalalka ay safarka ku tagayso diyaaradaasi ay noqon doonaan kuwo sare u sii qaada xidhiidhka uu wadankaasi la leeyahay wadamadan, iyada oo dhinaca kalena soo kordhinaysa dhaqaale ka soo gala dalxiiseyaasha iyo waliba dadka imanaya dalkaasi.