Ururka Gabdhaha Qareenada Puntland Oo Daadufadeeyey Xilka Qaadistii Sideeda Xildhibaan

Garowe(Hayaannews): Baarlamanka dowlad goboleedka Puntland ayaa maanta xasaanaddii ka qaaday sideed Mudane oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland, kuwaas oo ay soo eedaysay xeer ilaalinta Puntland.

Xildhibaanadan ayaa ku eedeysan inay jebiyeen shuruuc iyo xeerar u yaalla baarlamanka, sida ay xubnaha wakiilada u cuskadeen xasaanad ka qaadidda xildhibaanadaas.

Ururka Gabdhaha Qareennada Puntland oo sheegey in Xildhibaannada maanta xasaanadda laga qaaday, ay weli Xildhibaanno yihiin oo aan laga qaadi karin xilka Xildhibaannino:

Akhriso War-murtiyeedka Gabdhaha Qareennada:

—-

Sababaha lagu lumin karo xubinnimadda Golaha Wakiillada. Eeg Qodobka 62’aad ee Dasduurka Puntland:

Xubinimadda Golaha wakiiladda waxaa lagu lumin karaa haddii;

  1. Ay xubintu geeriyooto
  2. La soo gudboonaato xaalad xil gudasho la’aaneed oo joogto ah.
  3. Xubintu ay istiqaalad keento, Goluhuna ka aqbalo.
  4. Xubintu ay ka maqnaato labo kalfadhi oo caadi ah ee isku xiga Sabab la’aan.

Xasaanadda:Eeg 131aad ee dastuurka Puntland, Farqada 3aad:

Xubin kasta oo ka mid ah Golaha Wakiillada lama xiri karo lama bari karo jirkiisa, deegaankiisa, xafiiskiisa iyo gaadiidka uu markaas wato, lagumana oogi karo dacwad dembiyo culus laga tilaabo maalinta la doorto amaba la magaacabo ilaa uu ka dhamaysto mudada la doortay ama la magacaabo ama uu is casilo.

In xildhibaan xubinimadda Golaha uu waayo iyo in xasaanada laga xayuubiyo maxaa farqi ah oo u dhaceeya.

  1. . Xildhibaanka waa laga xayuubin karaa xasaanada balse taas macnaheedu ma ahan in uu waayey xubinimadii Golaha wakiilada ilaa iyo maxkamadi ay ku xukunto fal dembiyeed, xukunkaas oo ah xukun Kama dambays ah dhaqan galna ah.

Xildhibaanku wuxuu ku waayi karaa xubinimadii Golaha wakiilada sharuudaha aan kor kusoo xusay

Haddaba maanta xildhibaanadda laga qaaday xasaannada waxay waayeen oo kaliya xasaanaddii.

Haddii xafiiska xeerilaalintu uu eedeyntiisa  maxkamad u gudbiyo uuna ku cadaado fal dembiyeed,  maxkamadduna xukun Kama dambeysa ah ay xukunto ayna ku xukunto ciqaab shan sano ka badan , ayey waayi karaan xubinimaddii Golaha wakiiladda.

W/Q:Gudoomiyaha Ururka Gabdhha Qareennada.

Fatxi Xirsi Cali Barre.

Hayaannews, Office

Puntland, Garoowe