“WADDANI Wuxuu Soo Dhaweynayaa Xabbad-joojinta Xukuumaddu Ku Dhawaaqay” Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Hargeysa(Hayaannews): Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa soo dhaweeyey xabad-joojinta ay ku dhawaaqday Xukuumadda Madaxweyne Biixi colaadii maalintii shanaad ka aloosnayd Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka SOOL.

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan oo caawa qoraal koobaan soo saaray oo nuqul ka mida ay heshay Shaabakada Wararka ee Hayaannews.

“Xisbiga Waddani wuxuu soo dhaweynayaa xabbad-joojinta ay xukuumadda Somaliland ku dhawaaqday.

Mar labaad, Xisbiga Waddani wuxuu ku celinayaa oo uu dirayaa baaq nabadeed iyo in wadahadal ay labada dhinac miiska isugu yimaaddaan, waxaanu diyaar u yahay in uu ka qayb qaato nabadda iyo wadahadalka xalka lagaga gaadhayo shiqaaqada Laascaanood.”