War Degdega: Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Oo Geeriyooday

Hargeysa(Hayaannews): Alle ha u naxariiste Taliyihii Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan ayaa caawa ku geeriyooday Cubitaalka Internationalka ee Magaalada Hargeysa, kadib markii uu muddooyinkii ugu danbeeyey uu xanuunsanayay.

Sidaa waxa Shabakada Wararka ee Hayaannews u xaqiijiyay mid ka mida eheladiisa oo ku sugnaa  Cusbitaalka. Bahda Shabakada Wararka ee Hayaannews waxay Tacsi tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii, eheladii, Qaraabadii iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Talihii Ciidanka Booliska Somaliland Sareeya Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo caawa ku geeriyooday Cusbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Waxaanay Marxuumka uga baryayaan inuu naxariistii janno ka waraabiyo, dhammaanteena Samir iyo iimaan Saadiqa innaga Siiyo. Aamii……Aamiin……Aamiin.

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland