Wararkii U Dambeeyay Ee Kooxdii Soo Weerartay Saldhiga Magaalada Boorama

Hargeysa(Hayaannews)-Dablay hubaysan ayaa weerar ku qaaday shalay subaxii saldhiga dhexe ee magaalada Boorame, iyada oo ciidanka boolisku ay iska caabiyeen weerarkaas.

Dablaydan hubaysan ayaa uu sheegtay inuu soo amray Suldaan Wabar  oo hore  jabhad uu u samaystay looga baabiiyay, waxaanu sheegay in uu dib isku soo abaabulay oo uu haatan doonayo inuu deegaanada Awdal iyo Gabiilay uu ka dagaalamo. Dhanka kale taliye ku xigeenka ciidanka booliska Sareeye guuto Faarax Maxamed Mire ayaa dhankiisa sheegay in ciidanka la soo weeraray ay iska difaaceen dablaydaas isla markaasna ay qaarkood qabteen kuwii weerarka soo qaaday kuwo kalena ay ka talaabeen xuduuda Itoobiya.

Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid ayaa dhankiisa xukuumada ku dhaliilay in habacsanaan dhanka amaanka ah ay ka muuqato waxaanu wax laga xumaado ku tilmaamay weerarkaas.

Ugu Horayntii Suldaan Abubakar Cilmi Wabar oo sheegtay inuu dablaydan wakiil ka yahay ayaa laanta afka Soomaaliga ee BBC waxa uu u sheegay sida ay wax u dhaceen, waxaanu ugu horayntii isaga oo weerarkaas ka hadlaayay uu yidhi “ Weerarka aan soo qaaday aniga iyo inta taageersan waxa uu ahaa mid laga maarmi waayay oo cadaalad daro iyo cago juglayn lagu hayay shacabkayaga taan ka jawaabayaa.”

Waxa la suaalay Suldaan Wabar halka ay weerarka ka soo qaadeen waxaanu ku jawaabay“Gudaha magaalada Boorama ayaanu ka qaadnay. ” waxa uu sida oo kale sheegay in aanay Boorame ka fogayn ka jabhad ahaan, waxaanu isaga oo ka hadlaaya sababta uu u dagaalamayo uu yidhi  “ Shacabka degan gobada Awdal iyo Gabiilay, caga juglaynta waxa ku haya maamulka SNM ee ka taliya magaalada Hargeysa.”

Sida oo kale waxa uu ka  hadlay inuu jiro wax khasaare ah dhankiisa“Ciidankayaga khasaare ma soo gaadhin haba yaraatee waana ciidan dagaal yahan ah wax khasaare ah oo na soo gaadhayna ma jiro, “

BBC ayaa Suldaan Wabar weydiisay sida uu ku doonay inuu dadka uu sheegay inuu  u dagaalamayo uu dhexooda rasaas ka rido“ Waligeedaba haddii ubada mas kuu galo waa laysku jajabin jiray haday ka maari waydo.”

Intaas  kadib waxa warbaahinta xarunta booliska ee Hargeysa kula hadlay taliye ku xigeenka ciidanka booliska Sareeye guuto Faarax Maxamed Mire, waxaanu yidhi “  Wakhtigii salaada koox yar oo qas wadayaal ah ayaa rasaas ku soo riday saldhiga dhexe ee Boorame ciidamada booliska ayaa si geesinimo leh uga hortagay nimankiina eryaday ilaa ay galeen xuduuda Itoobiya, hadana gobalkii waa nabad wax dhibaato ah kama jirto nimankiina xadkaas Itoobiya ayay ka gudbeen  qaarna waa laga qatay, waxii war ah ee danbena dib ayaan ka soo sheegi doonaa, xaaladuan waa ay degan tahay, wax khasaare ah oo ciidanka so gaadhayna ma jiraan.”

Xoghayaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Maxamuud Saleebaan Ramaax  ayaa dhankiisa xukuumada ku dhaliilay habacsanaan dhanka amaanka ah isaga oo shir jaraa’id xarunta xafiiskooda ee Hargeysa ku qabtay“ Boorame Jabhad ayaa soo weerartay Wabar la yidhaahdo waxaanan qabaa inay arin aad u foolxun tahay oo dabaca iyo jileeca xukuumadan ka muuqadaa iyo xilkii ay iska saari lahayd amniga dalka in nin aanay waxba gacanta ugu jirin intuu afar inan kolaba soo diro inuu nabadgalyada khalkhal galiyo wax a ka masuula xukuumada Kulmiye ee maanta, xiligii la soo qaad qaadayna gobalkan joogay habeenkii lay badalay 275 inan ayuu haystay umadayadii ayaanu kala soo hadhnay.”

Ramaax oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Xukuumada maanta xisbiga Kumiye ka dhisan waxaad koodaa in aanay dalka horena u joogi jirin maantana aanay hanan markhaatigeedii,iyada oo arbacadii magaalada dusheeda lagu rasaaseeyay gaadhiga maaliyada, xalay in dad ashqaas ah oo aan nabadgelyada ogalayn oo waliba magaalada jooga ayaa hawl gal  kale sameeyay, ,wax loo dulqaadan karo maaha.”