SOMALILAND: Wasaaradda Waxbarashadda iyo Sayniska oo Bedeshay Dirayskii Ardayda Dugsiyadda dalka

Hargeysa(Hayaannews):-Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland mudane  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo uu weheliyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas Axmed Abokor Maxamed oo si wada jir ah Warbaahinta ula hadlay ayaa waxay  Sheegeen in ay soo saareen Go,aamo lagu Midaynayo Dirayska Ardayda Dugsiyada Hoose dhexe iyo sare ee dalka

Wasiirka wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska  Axmed Maxamed Diiriye (Toorno) oo ayaa waxa uu faahfaahin ka bixiyay wax ka bedelka ay ku sameeyeen Dirayska Ardayda Digsiyada.Waxaanu yidhi.”Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo Qaranka  masuul uga ah Horumarinta iyo Tayaynta Waxbarashada,waxa ay soo saartay Go,aan lagu Midaynayo Dirayska ay gashadaan Ardayda Dugsiyadda Somaliland dhigata laga soo bilaabo illaa heerka barbaarinta illaa Dugsiga sare Ardayda heerka barbaarinta waxa ay gashanayaan wiilashu Surwaal Cagaar ah  Habluhuna waxa ay gashanayaan  haaf Cagaar ah.marka la soo gaadho heerka dugsiga Hoose iyo fasalka koowaad ilaa fasalka afraad Surwaalka iyo Haafka Habluhu  waxa ay noqonayaan Kaaki shaadhka iyo daladdu waxa  ay noqonayaan Caddaan,marka la soo gaadho Dugsiga dhexe fasalka 5aad illaa 8aad Surwaalka iyo haafka habluhu  waxa ay noqonayaan Midabka Casaanka Shaadhka iyo Daladdu waxa ay noqonayaan Caddaan Haafka Habluhu waxa ay noqonayaan Madaw shaadhka iyo Dalada waxa uu noqonayaan Caddaan,Dugsiga sare marka la soo gaadho Surwaalka Inamada iyo  Haafka  Habluhu waxay  noqonayaan Madaw shaadhka Inamada Dalladu  waxay  noqonayaan Caddaan.”.

Sidoo kale  Agaasimaha guud  Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska  Axmed Abokor Maxamed, oo isna ka hadlay bedelka noocyadda dirayska dugsiyadda waxbarasho ee Somaliland ayaa  sheegay in go’aankani yahay mid ay ka wada tashadeen qaybaha kala duwan ee waxbarashaddu, isla markaana uu go’aankaasi ku soo baxay wada tashiyadaas, isaga oo caddeeyey in loo baahan yahay in la hirgeliyo

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com