Wasiir Koore Oo Si Adag Ugu Jawaabay Madaxweynaha  Soomaaliya Farmaajo

“Wasiir Bayle iyo Mahdi Guuleed iyaga ayaa ka masuul ah dhalinyarada dharka buluuga loo xidhayo” Wasiir koore

Hargeysa(Hayaannews): Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wecyigelinta Somaliland ahna afhayeenka xukuumadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali Koore, ayaa wax laga xumaado ku tilmamay hadalkii madaxweyne Farmaajo ee aha “Somaliland kacdoon midnimad doon-baa ka socda”.

Wasiir Koore ayaa ku dooday in madaxweyne Farmaajo aanay arrimaha Somaliland waxba ka khusayn.isaga oo fariin u direy qaar ka mid ah dhallinyarada ku nool magaalooyinka dalka oo ku kacay falal liddi ku ah jiritaanka qarannimada Somaliland.

“Waxan aad uga xumahay in madaxweynaha wakhtigiisu dhamaday, ee tangiyada Afrikanku ku wareegsanyihin uu dad tashaday yidha kacdon baa ka socda” ayuu yidhi.

Wasiir Koore ayaa sheegay in caalamku uu xaqiiqsaday jiritaanka umada Somaliland: “Caalamku waxay fahmeen oo ay garteen in umada Somaliland tahay, umad xaqiijisay dimuquradiyada iyo jiritaanka. Umada Somaliland maaha umad sida adhiga dasada (gasac) shugux-shuguxda ka didaysa” ayuu yidhi.

isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi”Kalmad uu Farmaajo yidhi uma malaynayo in ay wax u dhimayso reer Somaliland” ayuu yidhi.

Wasiir Koore oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi: “Waxay umada Somaliland ka dharagsantahay ilaa maalintii 100 nin doorten ee qolka lagu xereeyay in uu cuqdad iyo cadawad umada Somaliland la daba joogay.Wasiir Bayle iyo Mahdi Guuleed iyaga ayaa ka masuul ah dhalinyarada dharka buluuga loo xidhayo” Wasiir koore

Hadalka wasiir Koore ayaa yimid kadib markii madaxweyne Farmaajo sheegay in Somaliland uu ka socdo kacdoon midnimo doon.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com