Nuxurka Kulankii Dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu iyo Hal-abuurkii Diyaaradaha Macmalka Sameeyay.

Guuleed Cabdi: Wiilkii Sameeyay Diyaaradda Macmalka Ah Oo Lagu Casuumay Bandhig Caalamiya

Hargeysa(Hayaannews) Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa wiil 17 jir Soomaali ah ku casuuntay inuu ka qeyb galo Teknofest, oo ah bandhigga ugu weyn dalkaas ee teknolojiyadda.

Guuleed Cabdi ayaa sameeya gawaadhi iyo diyaarado macmal ah, isagoo aan heysan qalab badan oo arrintaasi ka caawinaya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa Guuleed ka arkay internetka, wuxuuna kaddib ku casuumay bandhiggaas. Wuxuu sidoo kale Guuleed Turkiga ka helay fursad waxbarasho.

Guuleed oo ka soo jeeda degmada Buuhoodle ayaa sheegay inuusan weligiis hore u helin fursaddan oo kale. “Waxaan doonayaa inaan aasaaso shirkad diyaaradaha ah oo mustaqbalka soo saarta diyaarado,” ayuu yidhi.

Wuxuu sidoo kale booqan doonaa shirkadaha diyaaradaha ee dalkaas

Bandhiggan oo ka bilowday gobolka Gaziantep ee dalka Turkiga ayaa shalay la soo gabagabeeyay.

Hayaannews/Office

Hargeysa/Somaliland