Wasiirka Beeraha Somaliland oo Sheegay in Saadaasha Roobabku Muujinayso inaanu Dhibaato Lahayn
November 25, 2020 - Written by admin
Hargaysa(Hayaannews)::-
Wasiirka Beeraha Somaliland ayaa sheegay Roobabka la saadaaliyay inay dalka
meelo kamid ka da’I doonaan aanay lahayn wax dhibaato ah isagoo sheegay in
aanay wax khasaare ah gaysanayn.
Wasiir Axmed Muunin
Seed waxa uu sheegay in Wasaaradda Beeraha waaxdeeda saadaashu Hawadu ay u xil
saaran tahay inay bulshada la wadaagto xaaladda saadaasha Hawada, Wasiirka ayaa
sheegay in Somaliland aanay wax saameyn ah ku yeelanayn dabeysha lagu sheegay
inay ka imanayso badda Hindiya.
Wasiirka ayaa sheegay in Badhan, Ceerigaabo iyo Ceel-afweyn ay ka da’een roobab aan wax dhibaato ah gaysan oo caadi ah. Isagoo intaa ku daray saadaasha inay ka heleen xogta Roobabka la filayo inay ka da’aan Gobolada Saaxil iyo Selel in aanay wax dhibaato ah lahayn.
Axmed Muunin Seed
wasiirka horumarinta Beeraha Somaliland ayaa shacabka ugu baaqay in gayiga
Somaliland aanay jirin wax Roobab ah oo duufaan wata oo ka di’i doona.