Wasiirka Maaliyadda Oo Kulan Isla-xisaabtan Ah La yeeshay Madaxda Wasaarada

Hargeysa (Hayaannews)- Kulan isla-xisaabtan la xidhiidha waxqabadkii madaxda waaxyaha wasaaradda ee bilahii u dambeeyey sannadkii 2020 iyo qiimaynta in la gaadhay qorshahii waxqabad ee hore loogu dhigay wax-walba ayaa lagu qabtay xarunta Wasaaradda Hargeysa.

Kulan oo ay ka qeybgaleen Wasiirka Maaliyadda Dr Sacad Cali Shire, Wasiir-xigeenka Md Muuse Ibraahim Selef Agaasimaha Guud Md Maxamed Cabdi Gurxan iyo madaxda waaxyaha ayaa agaasime-waaxeed walba ka warbixiyey qorshahii u dhigaa saddexdii bilood ee Octoobar ilaa December ee sannadkii 2020 iyo waxii uga qabsoomay, haddii ay jiraan wax baaqday iyo sababaha keenay, iyo siduu xalka ugu arko dhamaystirkeeda.

Wasaaradda Horumarinta Maaliyada oo leh qorshe waxqabad la fuliyo sannad walba iyo qorshe istaraajiyadeed shan sannadood, ama khariidad Waax-walba u raacdo fulinta waajibaadka loo xilsaaray, ayaa saddexdii biloodba mar qiimayn lagu sameeyaa.

kulan hawleedka shalay oo si faahfaahsan loogu gorfaynayey waxqabadka Waaxyaha Wasaaradda, ayaa la sheegay inay kasoo baxay natiijo fiican taas oo laga dheehan karayey dadaalka xafiis kastaa muujiyey mudadaa sedexda bilood ah.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, oo dhamaadkii hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay muhiim tahay isla-xisaabtanku, taasoo keenaysa kala garashada masuulka xilkiisa gutay, iyo ka kale.

Dr Sacad ayaa ku amaanay masuuliyiinta Waaxyaha Wasaaradda, dedaalada ay ka muujiyeen gudashada waajibaadkii loo xilsaaray, isla markaana, kula dardaarmay u diyaargarawga gudashada waajibaadka laga sugayo sanadkan 2021.

Guud ahaan caqabadaha Wasaaradda H. Maaliyadda JSL soo waajahay sannadkii dhamaaday ee 2020 oo saamayn dhaqaale abuuray ayaa lagu sheegay inay qeyb ka ahaayeen caabuqa COVID-19, iyo culayskii aafadii Ayaxa ku habsaday qaybo dalka, oo samayn ba’an u gaystay wax soo saarkii dalaga iyo dhul-daaqsimeedkii xoolaha, ayaa dhinaca kale keenay korodh kharashaad badan oo lama filaan ah.