Wasiiru-dawlaha Ingiriiska U QaabilsanAfrika Oo wax laga weydiiyay xidhiidhka Somaliland iyo dalkiisa

Hargeysa(Hayaannews) – Wasiirul-dawlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee daIngiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika James Duddridge, ayaa sheegay in UK xidhiidho joogto ah la leedahay dawladda Somaliland, balse waxa uu ul-dheer dawladdiisa kaga fogeeyay aqoonsiga Somaliland.

Xildhibaan Alexander Stafford, ayaa wasiirul-dawlaha Ingiriiska ee arrimaha dalalka barwaaqo sooranka iyo horumarka weydiiyay bal inuu ka waramo kulamadii u dambeeyay ee uu la yeeshay madaxda Somaliland iyo inuu dawladda Soomaaliya kala hadlay arrinta  Somaliland iyo qorsheyaasha uga meel yaala inuu safaarad ka furto Somaliland, waxaanu wasiirul-dawluhuku jawaabay, “Ingiriisku wuxuu u joogaa Somaliland si joogto ah, iyadoo loo sii marayo xafiiska Ingiriiska ee 0Hargeysa oo la aasaasay sannadkii 2012. Saraakiisha Ingiriisku si joogto ah ayay xidhiidh ugala leeyihiin dawladda Somaliland arrimo badan oo kala duwan.”Ayuu yidhi Wasiir James Duddridge, waxaanu intaas raaciyay ,“UK Somaliland uma aqoonsana dal madax-banaan. Siyaasadda UK waxay weli taagan tahay in arrintaasi u taalo Somaliland iyo dawladda Soomaaliya inay go’aan ka gaadhaan mustaqbalkooda iyo inay dalalka jaarka ee gobalku hormuud ka noqdaan aqoonsiga isbedel kasta. Waxaanu sii wadaynaa inaanu taageerno oo dhiirigelino wada-hadallada labada dhinac.”

Geeska Afrika

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com