“Waxa Halista Guudkeenna Dhigay,Waa Hoggaan Xumo”Abwaan Cabdiraxmaan-ABEES Iyo Bandhig-Suugaaneedkiisi Cajiibka Ahaa Ee Magaalada BURCO DAAWO

Burco(#Hayaannews): Bandhig Suugaagaaneed si meeqaam sare ah loo soo agaasimay oo la magac baxay “HALNA DHEH2”ayaa xalay qabtay Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer.

Bandhig-Suugaaneedkan oo uu qabtay Abwaan Cabdiraxmaan Ibraahim Abees,ayaa waxa ka soo qeybgalay boqolaal ka mid ah dhalinyarada reer Burco ee kala duwan. Waxaanu Abwaan-ABEES ku soo bandhigay Maansooyin uu kala hadlayo xaalada Siyaasadeed ee wakhtigan dalku marayo, Sida Gabayga Hirgal oo ka mid ahaa Kuwii Abwaan Cabdiraxmaan Abees  lagu qoonsaday 2019kii, kadibna uu Xabsi ku muteystay ayuu ka jeediyay madashii Burco.

“Waxa halista guudkeenna dhigay, waa hoggaan xumo”Wuxuu kula hadlay dawladda iyo hoggaanka dalka.

Sidoo kale, Abwaan Cabdiraxmaan Abees ayaa madasha ka tiriyay Maanso cusub oo uu kaga hadlayo xaalada Ceel-Afweyn iyo sidii ay xukuumadda Madaxwayne biixi u hagratay Colaadii u dhaxaysay bulshada walaalaha ah ee wada degta deegaanka Ceel Afwayn oo isagu ka mid ahaa abwaano iskood isku xilqaamay oo wacyi-gelin u tagay Gobolka Sanaag, balse xukuumaddu si kale u aragtay.

HALKAN HOOSE KA DAAWO

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com