“Waxaanu Ka Digaynaa In Ganacsade Axmed Geele Sharaftiisa Iyo Karamaadiisa La Dhaawaco”

Hargeysa (Hayaannews)-Cabdi Haybe Maxamed, oo ka mid ah hoggaanka sare ee  Waddani, isla markaana ah Xoghayaha Hawlaha guud ee Xisbigan, ayaa ka hadlay xiisada ka dhalatay dalabka dawladda Djibouti ee ah in loo xaraasho hantida uu Axmed Cismaan Geele ku leeyaay Djibouti.

Cabdi Haybe Maxamed oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay aragtidiisa ku waajahan xil ka qaadistii, isku bedelkii iyo magacaabistii uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa, waxaanu ugu horeyn yidhi “Axmed Cismaan Geele, waa Ganacsade, waa Baayac-mushtar, maxbuus maaha, baxsadna maaha, wax dambiyana muu galin, ee kolay dano gaar ahi wey muuqdaan, ee waxaanu ka digaynaa in Ganacsade Axmed Geele sharaftiisa iyo karamaadiisa  la isku dayo in meel lagaga dhaco, cidda danta gaarka ah lehna waxaanu leenahay ka digtoonadan inaad qaadan talaabo khaldan, oo dhib abuuri kara”.

Mar uu ka hadlaayey isku bedelka uu Madaxweynuhu ku sameeyey Xukuumaddiisa iyo musuq-maasuqa ayaa yidhi “Madaxweynuhu wuu ku amaanan yahay inuu musuq-maasuqa wax ka qabato,xilkana ka qaado ciddii lagu tuhmayey musuq-maasuqa,  laakiin waa in Maxkamadda lala tiigsada cid kasta oo hantida umadda boobtay, waana ka war haynaa boobkii iyo ku takrifalka hantida umadda ee dhacay markii ay Xukuumaddii hore taladda dalka haysay, Dugsigii Haweenku wax ku baranaayeen ayaa dano gaar ah loo isticmaalay, oo hanti gaar ah ayey laga dhigtay, Guriyihii Ingiriisku inooga tageen ayaa si sharci daro ah loo lunsaday,hantidii qaranka ka wada dhexeeysay ayaa cid gaar ah loo gacan galiyey,  boobkii hantida umadda ee la xalaashaday ayaa Madaxweynaha looga baahan yahay inuu dib u soo celiyo gacanta dawladda,  oo waliba cidda lagu helo Maxkamadda waa in la soo saara, oo waajibkeeda laga gutaa”.

Mar uu ka hadlaayey mashaariicda horumarka  iyo sida loo qaybiyo ayaa yidhi “Anigu Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha waan soo noqday, Wasiiradda Wasaaraddaha Caafimaadka iyo Beerahana waan soo qabtay, Xukuumaddihii hore si cadaalad ah ayaa wixii mashaariic ah ee horumar ah ay ugu qaybin jireen Gobolada kala duwan ee dalka, marka laga reebo Xukuumaddii Axmed Siillaanyo iyo Xukuumaddan Muuse Biixi.”