“Waxaynu U Baahanay Is-bedel La Mahadiyo….” Murashax Yuusuf-SOORAAN

“Waxaan Ahay Murashax U Taagan Doorashada Golaha Wakiillada Ee Caasimada Hargeysa….” Aqoonyahan Yuusuf-SOORAAN.

Hargeysa(Hayaannews):  Yuusuf Maxamed Ismaaciil (Yuusuf-SOORAAN) waa aqoonyan reer Somaliland ah,ayaa markii ugu horeysay shaaciyey inuu yahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Deegaanka ee degmada Hargesa ee la filayo inay dalka ka qabsoonto badhtamaha sannadka 2021.

Yuusuf-SOORAAN ayaa waxa uu sheegay inuu la tashi badan, ka dib uu qaatay inuu isu soo sharxo doorashada Golaha Deegaan ee Caasimada Hargeysa.

Haddaba, Qoraal kooban oo uu Yuusuf-SOORAAN soo saaray maanta ayaa waxa uu kaga hadlay shaacinta Murashaxnimadiisa, Tallooyinkii uu la yeeshay Waxgaradka iyo Aqoon-yahanka beesha iyo arrimmo door ah,kaas oo nuqul ka mid ah ay heshay Shabakada Wararka ee Hayaannews, waxaanu u dhignaa sidan “Maanta oo taariikhdu tahay 26-ta bisha December 2020-ka waxaan shaacinayaa inaan ahay Murashax u tartami doona Doorashada Golaha Deegaaka ee degmada Hargeysa  ee fooda innagu soo haysa haddii Alle idmo. Arrinta ku saabsan Murrashaxnimadayda waxay ka dhalatay wada-tashi aan la sameeyey Dad kala duwan oo aanu isku beel ka soo jeedno iyo asaxaabtayda, kuwaasoo igu dhiiri-geliyey in maanta fursaddaasi ii banaan tahay.”

“Marka ugu horaysa waa waajib in qofku wax doorto lana doorto, waxaanay ka mid yihiin Xuquuqaha aas-aasiga ah ee muwaadiniinta reer Somaliland ka siman yihiin Dastuuriyan. Annigoo qodobkaas ka duulaya, waxaan halkan ka caddaynayaa in aan u taaganahay ka mid noqoshadda Murashaxiinta doorashadda Golaha Deegaanka ee degmada Hargeysa ee soo socota haddii ILAAHAY Idmo.”Ayuu yidhi Yuusuf-SOORAAN

“Waxaan Ogaysiinayaa amaba aan ku War-gelinayaa Taageerayaashayda iyo Asxaabtayda gaarka ahba, inaan ahay Murashax u taagan doorashada Golaha deegaanka ee Hargeysa 2021-ka,waxaan ahay ninkii ugu horeeyay ee Waxgaradka beeshiisa ku war-geliyay damaciisa siyaasiga ah, waanay igu taageereen dhammaantood, waxaana u muuqatay in baahi loo qabo Xildhibaan danta qaranka iyo tan deegaankaba ka shaqeeya.”Ayuu yidhi Yuusuf-SOORAAN

Murashax Yuusuf-SOORAAN waa aqoonyahan fahamkiisu sareeyo, isla markaana waayo-araga oo siyaasiya oo dad la dhaqan leh, waxaanu haysta Shahaadada loo yaqaano Master-ta oo ku diyaariyay Jaamacada shaqaalaha itoobiya.

 

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com