Wefti Ka Socda Jabuuti Iyo Shirkad Holland Laga Leeyahay Oo Saylac Ka Ururiyey Macluumaad iyo dareenada ku xeeran


Saylac (Hayaannews) – Wefti ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa Toddobaadkii hore gaadhay Magaalada Saylac ee Gobolka Selel ee Somaliland iyo deegaano kale oo Tokhoshi ka mid tahay.

Weftigan oo uu hoggaaminayey La-taliyaha Madaxweynaha Jabuuti ee Dekedaha iyo Aaggaga Cashuuraha ka caaggan oo lagu Magacaabo Maxamed Aadan Waaberi (John) ayaa Warar kala duwan oo ka soo baxay sheegeen inay kormeereen Dekedda Saylac iyo meelo kale oo ka mid ah Gobolka Selel.

Warku wuxuu intaa ku daray in Weftiga oo ay la socdeen khuburo ka mid ah Shirkad lagu Magacaabo Damen Shipyard ay ururiyeen xog iyo Macluumaad ku saabsan Dhismaha Deked kalluumaysi iyo suurto-galnimada in Xayn-daab Ciid ah oo loo sameeyo Magaalada Saylac.

Shirkadda Damen Shipyard ayaa ah shirkad dhista Maraakiibta iyo Farsamadaha Dekedaha oo laga leeyahay dalka Holland.

Waxa xusid mudan, Weftiga waxa socday Wakiilka Somaliland ee dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Cabdi.

Somaliland iyo Jabuuti ayaa waxa ka dhexeeya tartan dhinaca Dekedaha, kaasi oo soo bilaabmay horraantii sannadkii 2017-kii, hase-ahaatee Jabuuti ayaa aad u danaysa arrimaha gobolka Selel ee Somaliland oo Xuduud la leh Jabuuti.

Xukuumada Somaliland kamay hadal arrintan, laakiin shacaka Saylac ayaa indho feejigan ku eegaya booqashada weftigaas iyo ujeedada ka dambaysaba.

Geeska Africa

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com