“Xanuunka Covid 19 Caalamka Wuu ku Soo Labo Kacleeyay Mandaqada Geeska Afrika iyo dalka Somaliland Dadna Wuu inaga laayaa Dadna Waa qaadaan…..,”.Xoghaye Xuseen-DAYR

Hargeysa(Hayaannews): Xoghayaha guud ee gudida ka hortaga Xanuunka Covid 19 Somaliland  Eng.Xuseen Aadan Cige (Xuseen Dayr) ayaa sheegay in uu  kordhay dadka qaadaya  Xanuunka Covid 19 muddooyinkii ugu dambeeyay.isla, markaana uu dalka dib ugu soo noqday.

Xuseen Aadan Cige oo  qaar ka mida Warbaahinta maanta la hadlay  ayaa waxa uu Sheegay in Caalamka iyo Somalialnd dib ugu soo nowday Xanuunka Covid 19,waxaana uu intaasi ku daray tirada dadka laga baadhay Xanuunka inta ka bogsatay iyo inta u dhimatay ee laga baadhay 20 bishan aynu ku jirno.

Xuseen Dayr oo faahfaahin ka bixinayay heerka uu dalka ka marayo Xanuunka Covid 19 waxa uu yidhi”Guud ahaan Xanuunka Covid 19 Caalamka wuu ku soo labo kacleeyay Mandaqada Geeska Afrika iyo dalka Somaliland Dadna wuu inaga laayaa dadna waa qaadaan Maalin walba, Xaaladihii ugu xumaa waxa ay ahayd Sannadkii hore  2020 bishii Toddobaad Xaaladihii ugu xumaa Xanuunku xiligaas ayay ahayd,gudida ka hortaga Covid waxa ay qaaday xaalado lagaga hortagayo Xanuunkan Saddex biloodna waatii dalku wuu kala xidhnaa.Sannadkii hore Bishii 12aad ee ina dhaaftay Xanuunku dib ayuu usoo noqday dadna wuu inaga dilaa Wacyigalintii Wasaarada Caafimaadka halkii ayay ka socotaa  Qaranka heegan ayuu ugu jiraa in laga hortago Xanuunka Covid 19. Dadweynuhu waa in ay ku baraarugaan in Xanuunkani yahay mid dilaaya waana in tilmaamaha  Caafimaadka la qaato,”.

Sidoo kale Eng.Dayr  ayaa waxa uu Sheegay tirada laga baadhay Xanuunka Covid 19.waxa uu yidhi”Guud ahaan  20 bishan  Tirada guud  ee dalka  ee  laga baadhay Xanuunka Covid 19 waxa ay ahayd   in ku dhaw   28kun  ilaa 29 kun Qof   1480 Qof waa qabaan xanuunka 1406 qof waaka bogsadeen Xanuunka 54 qof ayaana u dhintay waata tirada ay diwaangalisay Wasaarada Caafimaadka,waana ay ka badnaan kartaa tirada intaas dadka qaarkood ayaan iman Wasaarada Caafimaadka,dadka laga baadhayo Xanuunkan Covid 19 lacag lagama qaado,hadal aan waxba ka jirin in dadka loo sheego  maaha shan milyan oo aduunyada iyo Dawlada  noo dhiibtay majirto,lacag ahaan waxa baxay hal milyan iyo badh galay Caafimaadka oo lix bilood lagu shaqaynayay wax ka badan lagu shaqaynayay iyo hal milyan oo Raashin loogu iibiyay 200 qoys  oo  Somaliland u dhashay meelihii lagu karantiiman jiray  dadka Dawlada ayaa bixin jirtay xisaab aan mugdi ku jirin ayaanu haynaa,”.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

Email: Hayaannewssoma@gmail.com