Xeel-dheerihii Xadhgaha Kabanka: Jiim Sheekh Muumin

Jiim Sheekh Muumin-Hayaannews

Muxyadiin Shiikh Muumin, oo loo garan og yahay (#Jiim_Shiikh_Muumin), gugii (1940) ayuu ku dhashay magaalada Buulaburde, oo ku suntan in ay tahay magaalo ay ka soo baxeen hooballo iyo hibooleyaal fanka casriga ee Soomaalida raad weyn ku yeeshay. Magaalada Buuloburde waa hooyo soo naasnuujisay mulaxannada codeeyey heesaha Soomaalida badankooda haddii aynu saddex meelood u qeybin lahayn heesaha, waxa aan qabaa in ay laba meelood laxammeeyeen laxanyaqaanka ka soo baxay degmadaan iyo gobolweynaha Hiiraan sida Saalax Qaasin, Aweys Goobbe, Axmed Nuur Jaangow iqk.

Jiim magaaladii uu ku dhashay ayuu ku qaatay noloshiisa bilawgeedii iyo waxbarashadiisiiba, degmada uu ku barbaaray oo ahayd magaalo kulmisay dad kala duwan oo ajaanib iyo soomaaliba leh, waxa ay markaas ahayd meelaha ugu ilbaxsan deegaannada Soomaalida kuwaas oo dawladnimaddii ka hor ay yarayd meel muusig iyo wax u dhaw toonna laga maqlo dhawr magaalo oo waaweyn mooyaane kuwaas oo faro-kutiris ah. Mullaxan Jiim, meeshaa bulshada kala duwan kulmisay ee ilbaxnimadu taallo ayaa jeclaysiisay inuu aad u xiiseeyo agabka muusigga laga tumo iyo badweynta fankaba. Meel  giitaarka lagu barto ayay mar wada bilaabeen isaga iyo mullaxan Jaangow oo isna fanka meel sare ka jooga. Akadeemiyaddii uu muusigga ka baran jiray Jiim waxaa macallimad ka ahayd gabadh Talyaani ah waana macallimadda u bixisay naanaysta uu caanka ku yahay ee (Jiim) taas oo hadda magaciisaba ka weyn kana gudubtay inay naanays noqoto oo ahba magaciisa kooowaad.

Sida ku dhici jirtay dhallinyaradii fanka ku soo biiri jirtay ee dhanka waalidkoodii asalraaca ahaa caqabahadda kala kulmi jiray, kuma aysan dhicin Jiim oo waxaa fanka aad ugu dhiirrigaliyey adeerkii aabbihii la dhashay waxayna tallaabadaas Jiim sii gelisay yiddidiilo weyn iyo in lagu cariyey dareenkii iyo xiisihii uu u hayay fanka. Kolkii ay gacantu u fadhiisatay ee uu giitaarka iyo kabankaba si heer sare ah u tumay waxa uu isku dayay inuu laxan sameeyo oo uu tijaabiyo dareenka hibeed ee ka dhex guuxaya uurkiisa,1964 ayuu laxameeyay heestii ugu horaysay. Taas oo sida uu mullaxanku ka warramay inta uu la tegay wabiga jiinkiisa uu goobtaa shanqadha ka fog uu cod ugu sameeyay, heestaas oo ahayd “dhallinyarooy” markii ay soo baxday heestaas wuxuu garwaaqsaday in uu hibo codsamayn leeyahay. Safar ayuu ka galay magaaladii noloshiisa soo dhistay oo dhanka waqooyi-galbeed ee dalka ayuu u hayaamay. Magaalada Burco ee gobolka Todhgeer ayuu gaadhay halkaasna waxay isku barteen abwaan Aadan Tarabi Jaamac. Magaalada Burco ayuu Aadan Tarabi ugu dhiibay laba riwaayadood oo noqday ruwaayadihii ugu horeeyey ee Jiim lagu aamino laxankooda. Labadaas riwaayadahaa ayaa kala ahaa Xaajaba La yaab lehe  Aan qodo xabaalaha iyo Dakharada jacaylka. Si loo riyaaqay ayuu uga soo dhalaalay labadii ruwaayadoodba laxankoodii iyada oo aan loogu tagin,tabantaaba kalaba ha joogtee.

1972, ayuu Jiim mar kale dib ugu laabtay koonfurta dalka gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayuu u soo digarogtay.  Waxaa waayadaa la aasaasayey oo dhidibbada loo taagayey kooxdii ciidanka asluubta ee Onkod oo uu ka mid noqday dadkii bilawgii kooxdaa galay. Jiim hobollada Onkod waxaa uu ka noqday mullaxanka iyo kabaniistaha koowaad ee kooxda, waxa uu laxannadooda lahaa badi ruwaayadihii ay dhigeen fannaaniintii Onkod ruwaayadahaas oo kala ahaa “Wajiyaal is xasuusta” oo ay wada sameeyeen Axmed Saleebaan Bidde iyo Maxammed M. Qaaqay “Gar jacayl hala qaado” oo Qaaqay hal-abuuray, Jiim marka laga yimaado hibadiisii laxansamaynta  waxa uu noqday cadceed u soo baxday muusigga soomaalida oo kabanka kolka uu gacanta saaro wuu xarrago tumi jiray, dhawaaq iyo dhadhan gaar ah oo lagu baadisooco oo aan kabanka soomaalida lagu dhex arag ayuu la gole yimid.  Waxaa uu wax badan kusoo kordhiyay habtumista kabanka soomaalida, waxaan muran ka taagnayn inuu ahaa qof Soomaali ah oo kaban tumay kii ugu farshaxansanaa ee abid soo maray muusigga soomaalida.

Jiim Sheekh Muumin waxa uu noqday dugsiga ugu weyn ee soo saaray arday si la wada majeertay kabanka u tunta oo summaddii Jiim ku saxeexan tahay gacantooda, raggaas uu wax baray waxaa ka mid ah: Daa’uud Cali Masxaf–kol haddii aan Daa’uud xusay halkaas ka garo waxsoosaarkii weynaa ee Jiim iyo aqoontii qotada dheerayd ee uu u lahaa muusigga–Shamuuri, Kooshin-yare,Muqbil,Cabdullaahi-yaroow, Cabdicasiis-Jarmal iyo qaar kale oo badan. Waa koox kale oo ka mid ah ardaydii ka aflaxday dugsigii Jiim Sheekh Muumin, Jiim la’aantii lama dhadhansadeen kabanka soomaalida oo mid kala dhiman ayuu ahaan lahaa xilli san ayuu ilaahay ugu gargaaray oo shinbir uga dhigay Muxyadiin-Jiim.

Dhammaadkii qarnigii tegay billaawgii (1991) markii uu dalka ka dhacay burburku, Jiim waxaa uu ku negaaday Xamar oo halkaas ayaa isaga iyo rag waaweyn oo tiirarkii fanka iyo suugaanta ahaa wedka ku sugeen. Waayo danbe markii ay xabashidu soo gashay caasimaddii dalka, Jiim waxa uu u guuray magaalada Afgooye halkaas ayuu ku sugnaa in badan oo hal maalin dhanna uma dhaafin Xamarna kuma uusan soo noqon ilaa taangigii xabashidu ka huleelay caasimadda dalka.

Sanadihii danbe mullaxan Jiim waxa uu u wareegey Hargaysa halkaas ayuu muddo  joogay. Mar dhexe arrin si shil ah ku timid awgeed mullaxanku jeel ayuu galay. Fannaaniin badan iyo abwaan u gurmaday yaa kasoo saaray xabsigii igasa oo markaa dhawr sanno ku xidhan, maalintii jeelka laga soo daynayey waxaa jeelka kadinkiisa taagnaa oo soo daayey hooballo badan oo ay ka mid ahaayeen, fannaanad Khadra Daahir, Abwaan Dacar iyo Ruun Xaddi oo uu gurigeeda degganaa intii uu joogay magaalada Hargaysa.

Jiim Sheekh Muumin-Hayaannews

Mar kale ayuu dib ugu laabtay magaalada Xamar ustaad Muxyaddiin-Jiim, oo maalmihii u danbeeyay ee noloshiisa waxa uu ku qaatay caasimadda dalka. Sanadkii (2020) ayaa Muqdisho loogu sameeyay habeen si weyn loogu maammuusay, islamarkaana lagu xusay waxqabadkiisii faneed ee maguuraanka noqday. Waxaa madashaas  lagu guddoonsiiyay billad sharaf loogu mahad-celinayo dedaalkii badnaa ee uu gashaday fanka iyo muusigga Soomaaliyeed. Sanad iyo dhawr bilood ka gadaal habeenkaa ayuu ku galbaday Muqdisho, 24 Noofeembar 2021, halkaas waxaa innooga qarsoontay bidhaantii Jiim hase ahaatee Jiim wuxuu ku waarayaa baalasha taariikhda iyo xasuusta bulshada Soomaaliyeed,gaar ahaan inta xargaha kabanku kashooda gilgilo. Qoraalkaan intiisa danbe waxaan kusoo aruuriyey heesihii badnaa ee uu laxanka u sameeyey mullaxanku intii aan haleeli karayay, waana sida soo socota.

1.Heesta “Caashaqa ma baran wali”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarago

2.Heesta “Barashooy kuma waayo”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Carrago

3.Heesta “Dawoow dawo caafimaadeey”

Ereyada: Maxammed Cali Kaariye

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Xasan Aadan iyo Sahra Daawo

4.Heesta “Yufle”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

5.Heesta “Dul lahaw adduunyada”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

6.Heesta “Wajiyaal is xasuusta”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarrago

7.Heesta “Halkuu nabarka caashaqu”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

8.Heesta “Iga maqan”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Cabdillaahi C. Xarrago iyo Kinsi X. Aadan

9.Heesta “Gacan gacan”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Cabdillaahi C. Xarrago iyo Kinsi X. Aadan

10.Heesta “Agagaarka Jubba”

Ereyada: Maxamed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago

11.Heesta “Markay doontu degayso”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Maxammed A. Kuluc iyo Kinsi X. Aadan

12.Heesta “Dabaylaha”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

13.Heesta “Halbowlahaygaay”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Kinsi X. Aadan iyo Cabdillaahi C. Xarrago

14.Heesta “Miyaan kaa bogsanayaa”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Muuse I. Qalinle iyo Sahra Mire

15.Heesta “Af gobaadsi”

Ereyada:

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Cabdillaahi Cumar Xarrago

16.Heesta “Saldhigo”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh

Codadka: Sahra Mire iyo Muuse I. Qaline

17.Heesta “Guryasamiyo”

Ereyada: Jaamac Cabdi Seed

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Kinsi Xaaji Aadan iyo Axmed Inshaar

18.Heesta “Masalaha kusoo bood”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Marwo Cabdi

19.Heesta “Gobolada dalka”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Haybe Cagjar iyo Faadumo

20.Heesta “Xaajaba la yaab leh”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Haybe Warsame Cagjar

21.Heesta “Dakharadda jacaylka”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Caasha Jaamac

22.Heesta “Nafba waa ayaankeed”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Axmed Gacayte Yuusuf

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

23.Heesta “Sida curad aan socod baran”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

24.Heesta “Ninba dahab lumay si u doondoon”

Ereyada: Cabdulqaadir Dheere

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Siciid Toon

25.Heesta “Horta bilisi waa maxay”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago

26.Heesta “Anbiya”

Ereyada: Jiim Sheekh Muumin

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Axmed G. Qarboosh

27.Heesta “Ilma caashaq”

Erayada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Faadumo Gaheydh

28.Heesta “Qalbiga ruxmayow idaa”

Ereyada:

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Layla Cumar Dhuule

29.Heesta “Haadba haad kici”

Ereyada: Xasan Ganey

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Xasan Aadan Samatar

30.Heesta “Sidii Markabkii Shawaal”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Khadra Daahir Cigge

31.Heesta “Caashaqa shilkii helay”

Ereyada: Xasan Kuuriya

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Sahra Mire Weheliye

32.Heesta “Gayaan”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Sahra Mire Iyo Qalinle

33.Heesta “Galbis”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Cabdi Baadil iyo Sahra Mire

34.Heesta “Calafka wax kamaan qabo”

Ereyada: Xasan Kuuriya

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Sahra Mire

35.Heesta “Diinkii dhoolka raacay”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuda: Cabdillaahi Cumar Xarrago

36.Heesta “Boholaha jaceyl”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Kinsi Xaaji Aadan

37.Heesta “Hadii aanan dhulkaygow”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Muuse Ismaaciil Qalinle

38.Heesta “Haday boogi kugu taal”

Ereyada: Bashiir Farey

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Xaawo Jeesto

39.Heesta “Maxamed maxamed magooleey”

Ereyada: Axmee Saleebaan Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Xaliimo Kh. Magool iyo Maxmmed Mooge

40.Heesta “Sideebaan waxyeelaa”

Ereyada: maxamuud garcadde

Laxanka: jiim sh muumin

Luuqda: Muxyadiin Amiin Mugaani

41.Heesta “Ramaas”

Ereyada: Bedal dheere

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Jiim Sheekh Muumin

42.Heesta “Horweyn dhalay la arag”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Muuse I. Qalinle iyo Kinsi X. Aadan

43.Heesta “Naxli ”

Ereyada:

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Shamso Daadsan

44.Heesta “Gabogabo colaadeed”

Ereyada: Maxammed M. Qaaqay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Cabdillaahi Cumar Xarrago

45.Heesta “Dhulkiina u dhiidhiiya”

Ereyada: Prof axmed nuur yaasiin

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Jiibta: kooxdii Onkod

46.Heesta “Dakharada jaceyl ”

Ereyada: Aadan Tarabi

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Samsam Yuusuf

47.Heesta “Gacan seydh”

Ereyada: Aadan tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Marwo Maxammed

48.Heesta “Laydh caashaq”

Ereyada: Aadan Tarabi Jaamac

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Samsam Foolge

49.Heesta “Nabsi”

Ereyada: Xasan Genay

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Luuqda: Shamso Cumar

50.Heesta “Dhadhab”

Ereyada: Axmed S. Bidde

Laxanka: Jiim Sheekh Muumin

Talantaali: Muuse I.  Qalinle iyo Kinsi X. Aadan

Kablallax Dhagacadde

Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland