Xildhibaan Sheegay in Uu Sharraxan Yahay Doorashada Wakiilada

Hargeysa (Hayaannews)- Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Baarlamaanka Somaliland ayaa Sheegay in uu marlabaad u sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada.

Xildhibaan Xaamud oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu Sheegay in sababta uu ugu sharaxan yahay Doorashada Golaha Wakiilada ay tahay,madaamada uu muddo dhawr badan Sanno ka mida ahaa Golaha Baarlamaanka.

Xildhibaan Xaamud oo Arimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi”Waxa aan u sharaxanahay marlabaad Doorashada Golaha Wakiilada Ceerigaabo aan tagayna waan ka sheegay in aan sharaxanahay, sababta aan u sharaxanahay waxa weeye in badan ayaan ka soo shaqaynayay Golaha Baarlamaanka Somaliland oo gaadhaya dhawr iyo Toban Sannadood,wixii aan qaban karno waanu qaban doonaa dad kuna hadal uma baahna ee wax qabad ayay u baahan yihiin,”.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa waxa uu Sheegay in si Nabedgalyo ah uga qabsoontay Diwaangalinta Codbixiyayaasha Gobalka Sanaag.waxaana uu yidhi”Waxa aan ka soo noqday Gobalka Sanaag ilaa Toddobaatan kiiloo Mitir ayaana Diwaangalinta Codbixiyayaasha si Nabedgalyo ah looga qabtay,dadka Deegaanadaasi si ka duwan sidii hore ayay u qaateen Kaadhka Diwaangalinta Codbixiyayaasha Deegaanada Badhan waana in Xukuumadda ka warhayso ayaa muhiima Deegaanadaas,”.

#Mustafe_Janaale

#Hayaannews, Office

Email: Hayaannewssoma@gmail.com