Xildhibaanadii Ugu Horreeyey Aqalka Sare SOOMAALIYA Oo La Doortay

Kismaayo(Hayaannews): Xubnihii ugu horreeyay ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay Jubaland iyadoo ay billaabatay doorashada Soomaaliya, kadib dhowr mar oo ay dib u dhacday.

Kursiga u horreeya waxaa helay Ilyaas Badal Gaboose oo ahaa Guddoomiyihii hore ee Gobolka Jubada Hoose, wuxuuna ku guuleystay 55 cod, halka Maxamed Axmed Sayid oo la tartamayey uu helay 17 cod. Guud ahaan waxaa codeeyey 73 cod, iyadoo hal cod uu xumaaday.

Sidoo kale, Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa ku guuleystay kursigii labaad ee Aqalka Sare.

Fartaag ayaa helay 71 cod oo gacan taag ah, kadib markii uu sida la sheegay tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac oo la tartami lahaa, waxaana ka aamusay laba xildhibana.

Sidoo kale, Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa noqday musharraxa kusoo baxay kursiga saddexaad ee golaha Aqalka Sare ee maanta la qabtay doorashodooda.

Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan ayaa helay 59 cod, waxaana uu ka guuleystay Xaliimo Jaamac Maxamed, oo iyaduna heshay 12 cod. Waxaa xumaaday hal cod.

Kursiga afaraad ayaa waxaa ku guuleystay Iftiin Xasan Iimaan Baasto, oo loogu codeeyey hab gacan taag ah, kadib markii uu tanaasulay Ibraahim Yacquub oo la tartamayey.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa u hambalyeeyay xubnaha la doortay.

Tani waxay ka dhigan tahay in Soomaaliya ay ka bilaabatay doorashada qabashadeeda ay muddo billo ah dood xooggan ka taagneyd, dhowr marna waqtiyo loo qabtay ay dib u dhaceen.

Doorashada Xubnahan ayaa ku soo aaday iyadoo weli aan la xalin murankii ka taagnaa doorashada xubnaha gobolada Waqooyi, islamarkaana ay jiraan caqabado dhinaca amniga iyo siyaasadda ah oo laga yaabo inay saameeyaan inta ka hoartay doorashada, oo ugu dambeyn loo madlanyahay in madaxweyne lagu doorto bisha October ee soo socota

Isha ku hay Shabakada caalamiga ah ee WWW.Hayaannews.net oo kala soco wararkii ugu danbeeyey adduunyada.

#Hayaannews, Office

Hargeysa, Somaliland

EMAIL: Hayaannewssoma@gmail.com