Xisbiyada Mucaaradka Oo Xukuumadda Ku Eedeeyey Sharci-jabin, Farriin Adagna U Diray Biixi

Hargeysa(Hayaannews)-Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa soo bandhigay sharci jabin ka dhacday shirka golaha dhexe ee KULMIYE ee magaalada Boorama ku soo dhammaaday. Mucaaradka ayaa sheegay in shirka ay madaxweynaha iyo kuxigeenkiisu joogeen ay ka qayb galeen masuuliyiin sharcigu ka reebay in ay ku dhexmilmaan siyaasadda ama ay kala raacaan asxaabta Qaranka kuwaas oo hoggaamiya hay’ado bulshada dhex u ah iyo kuwo ay tahay in ay la xisaabtamaan hadba xukuumadda talada haysa.

Masuuliyiinta shirka ka qayb galay ee mucaaradku xusay ayaa kala ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Booliska, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka, Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, ku xigeenka Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Guddoomiyaha iyo Agaasimaha Bangiga Dhexe, guddoomiyaha hay’adda ka hortagga Aafooyinka iyo agaasimaha wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada. Waxa kale oo la dhalliilay warbaahinta dawladda oo si toos ah shirka KULMIYE u tabinaysay.

“Waxaad ogaydeen Muuse Biixi oo ah madaxweynaha dalku in uu ku ololeeyay ballanteenu waa sarraynta Sharciga markii uu Dila joogayna wuxuu lahaa waxa I darbaya waa Dastuurka iyo Sharciga dalka, wuxuu shir u qabtay agaasimeyaasha guud ee dalka waxaanu ku yidhi ‘shaqaale dawladeed baad tihiin oo siyaasad ma galaysaan’ agaasimeyaashiisii oo calanka KULMIYE ku jeeni qaaranna hortiisa ayay fadhiyaan, iyama ayuu sax yahay ama khaldan yahay madaxweynuhu?,” Sidaas ayuu yidhi afhayeenka xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Md Barkhad Jaamac Batuun.

Afhayeenka WADDANI waxa uu sheegay in ay ka walaacsan yihiin in ay siyaasadda Somaliland dhaqan u noqoto habka KULMIYE u dhaqmay “Tani waa tallaabo dhaxal u ah waxa ay reebayaan, waxaanu ka cabsi qabna xisbi ahaan hannaanka dawladnimo ee sidaa loo bahdilayo in ay ibo-fur xun u noqoto in kolba kuwa dalka yimaadda iyaguna sidaas oo kale ugu tagri falaan,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka WADDANI.

“Waxa aan halkan kaga hadlay waa kii maaliyadda hayay ee hantida umadda gacanta ku hayay oo calankii Kulmiye ku jeeni qaaran, waa kii ammaanka hayay oo dhex fadhiya, waa kii garsooraha ahaa ee waaxda garsoorka joogay oo dhex fadhiya waa xeer dejintii oo dhex fadhida, waa wixii umadda dhexda u ahaa ee Radio Hargeysa iyo Telefishankii Qaranka oo dhex fadhiya, marka maxaa inoo badbaadaya? Shirkii wuu soo idlaaday laakiin, wadiiqada la jeexay ayaa noocaas ah,” Sidaas ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga WADDANI.

Geesta kale Xoghayaha Warfaafinta ee xisbiga UCID Mudane Yuusuf Kayse Cabdillaahi ayaa sheegay in xisbiga KULMIYE oo xukuumadihiisu shacbiga u horseedeen Sicir-barar, busaarad, Shaqo la’aan iyo dhaqaale xumo uu hadda ku kacay sharci jabintii ugu weynayd, islamarkaana masuuliyiintii loogu talo galay in ay la xisaabtamaan xukuumadda KULMIYE shirkiisa ka qayb galeen iyaga oo calanka xisbiga ku jeeni qaaran.

Waxa uu sheegay in KULMIYE sharcigii dalka gacmihiisa ku qaatay “Tani waxay tilmaamaysa Waddankan wixii la odhan jiray sarraynta sharciga (Rule of law) in uu meesha ka baxay.  Xisbiga Kulmiye kubaddii la lahaa lugta ku ciyaar gacanta ayuu ku qaatay waana halkii u dambeysay. Hore wuxuu u soo jabiyay xildhibaanno xasaanad leh oo xisbiyo jooga ayuu hore u kaxaystay iyada oo aan sharcigu u ogolayn, waxa kale oo uu sameeyay in xubno garsooreyaal ahi si cad ugu ololeeyeen oo aan waxba laga qaban maantana waa tallaabadii u dambeysay,” Sidaas ayuu yidhi Xoghayaha warfaafinta UCID.

Masuuliyiinta u hadlay mucaaradka ayaa sheegay in masuuliyiinta Dastuurka ama sharciga ay ku aasaasan yihiin hay’adaha ay maamulaan ka reebeen arrimaha siyaasaddu sharci darro ku dhex fadhiyeen shir madaxweynuhu hagayay taasna ay meesha ka saarayso qawlka madaxweynaha ah in sharcigu sarreeyo, islamarkaana ay ficillada iyo hadallada madaxweynuhu yihiin kuwo is khilaafsan.

Masuuliyiinta ay mucaaradku soo bandhigeen ayay sawirradoodu ka soo dhexmuuqdeen shirkii KULMIYE iyaga oo qaarkood salaamaya madaxweyne Muuse Biixi Cabdi lamana oga in madaxweyne Biixi la xisaabtami doono kadib markii baraha bulshada si weyn loogaga dareen celiyay sidoo kalena mucaaradku si toos ah bulshada ula wadaagay sawirrada masuuliyiinta shirka ka qayb galay iyada oo aanu sharcigu u fasaxin.

Xigasho Waaberi