Xogaha Cusub: Masuuliyiintii Waaxda Dhulka Ee Dawladda Hoose Ee Hargeysa Oo Musuq Loo Xidhay!

Hargeysa(Hayaannews): Warar illaa Axaddii (6dii Oktoobar 2019ka) iga soo gaadhayay dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa sheegaya in laba ka mid ah madaxdii xafiiska dhulka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa loo xidhay dhul ay u iibiyeen hannaan baal marsan xeerka dalka, kaas oo qiimihiisa la iigu sheegay $60,000 (lixdan kun oo doollar). Waxa loo taxaabay xarunta ciidanka dembi-baadhista ee Hargeysa.

Tibaaxuhu waxa ay intaas ku darayaan in lagu raadjoogo laba sarkaal oo kale oo ka tirsan madaxda isla xafiiska dhulka, qorshaynta iuo maabka ee Dawladda Hoose ee Hargeysa. Guud ahaanna afartii masuul ee kobtaas ugu sarreeyay ayay fadeexado dul hoganayaan.

Marar badan ayaa heshiis hoose lagu dhammeeyay musuq ay sameeyeen masuuliyiin ka tirsan DHH oo lunsaday hanti dadweyne, waxa aan la ogeyn halka uu kiiskanki ku biyo-shuban doono. Waxa naxdin ah inaad warka noocan ah maqasho iyada oo uu dayac badani ka jiro Hargeysa.

Muddo afar cisho ah oo aan hubinayay, ma faafin warkan. Wixii intaas dhaafsan waxa aan filayaa inay dabagal ku sameeyaan bahda warbaahinta Somaliland..

Siciid Maxamuud Gahayr

Hayaannews, Office

Hargeysa. Somaliland