Xoggo Laga Helay Wada Hadalada Somaliland Iyo Soomaaliya, Garnaqsiga Uu Madaxweyne Biixi U Bandhigay Ergayga Turkiga Iyo Qorshaha Uu Farmaajo Wato

Wargeyska Geeska Afrika ayaa xoggo dheeraad ah ka helay arrimaha wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya iyo dedaalka dawladda Turkigu ku doonayso inay dib u bilowdo wada hadaladaas istaagay.

Ergayga Turkiga u qaabilsan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya Dr. Olgan Bekar, ayaa dhawaan socdaal ku yimid magaalooyinka Hargeysa iyo Muqdisho, waxaanu magaalada Hargeysa kula kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Sid uu warkani sheegay Madaxweyne Biixi ayaa ergayga Turkiga u bandhigay garnaqsi ku saabsan mucaawiyoonka uu Turkigu siiyo Soomaalida iyo sida aanu saami cadaaladeed ugu qaybin Somaliland iyo Soomaaliya, waxaana la sheegay in ergayga Turkigu uu qodobkaas kaga jawaabay in hadda wixii ka dambeeya uu Turkigu Somaliland si balaadhan uga caawin doono dhinacyada caafimaadka, waxbarashada, biyaha iyo korontoda, waxaanu sidoo kale Madaxweyne Biixi uu ergaygu u sameeyay balan qaadyo cusub oo dhinaca mucaawimada ah.

Dhinaca wada hadalada, warku wuxuu sheegay in Turkigu doonayo inuu wada hadalada ku haysto qandaraas oo uu isagu hoggaamiyo, laakiin waxa warka uu Geeska Afrika helay sheegay in Madaxweyne Biixi ergayga u bandhigay inay Somaliland doonayso in Turkiga lala wadaago hoggaaminta wada hadalada, waxaana la sheegay inay Somaliland soo jeedisay in hoggaaminta wada hadalka lagu soo daro dawladda Sweden iyo hay’adda xalinta khilaafaadka dunida ee The Centre for Humanitarian Dialogue “HD” oo qaybta farsamada ka caawin doonta wada hadalada.

Waxa kale oo uu warku sheegay in Madaxweyne Biixi ergayga Turkiga ah u soo jeediyay in dhawr waddan laga dhigo guddi farsamo oo taageera wada hadalada oo isha ku haya dushana kala socda fulinta wixii lagu heshiiyo. Dalalka ay Somaliland soo jeedisay ayaa waxa ka mid ah Maraykanka, Ingiriiska, Norway iyo Midowga Yurub.

Waxa kale oo la sheegay in Somaliland ergayga u sheegtay farogelin siyaasadeed oo kala duwan oo ay dawladda Soomaaliya ku hayso Somaliland, farogelintaas oo caqabad ku noqon karta wada hadalada.

Si rasmi ah looma oga mawqifka uu ergayga Turkigu ka qaatay soo jeedimaha Madaxweyne Biixi, waxase la filayaa inuu dawladiisa kula noqon doono qodobada ay Somaliland u soo bandhigtay si ay wada hadaladu u bilaabmaan, waxaana la sheegay in diblomaasiga Turkigu u muuqday inuu soo dhaweeyay soo jeedimaha Madaxweynaha Biixi.

Geesta kale danjire Olgan Bekar, oo lugtiisa ku soo horumariyay magaalada Muqdisho, ayaan la kulmin Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo, bedelkiisana waxa uu kulan quraac ah la yeeshay wasiirka arrimaha dibadda Axmed Cawad oo loo arko inaanu saamayn culus ku lahayn go’aamada madaxtooyada Muqdisho.

Wararka uu Geeska Afrika helay waxay xaqiijiyeen inaanu Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo doonayn in la balaadhiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo lagu soo jeediyo indhaha warbaahinta caalamka, wuxuuna taas bedelkeed doonayaa sida ay shabakadda wararka ee Somaliland sun baahisay in wada hadaladu ku furmaan jawi hoose.

Shabakadda wararka ee Somaliland Sun ayaa werisay in Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu door bidayo inay Djibouti hoggaamiso wada hadalada oo aan wada hadalada laga saarin  xayndaabka gobalka Geeska Afrika.

Shabakadu waxay sheegtay in wada hadaladu dhawaan furmi doonaan islamarkaana ay Somaliland iyo Soomaaliya Turkiga ka aqbaleen in dib loo bilaabo wada hadalada.