Xukuumadda Madaxweyne Biixi Miyay Jawaab U Wayday Eedaha Culus Ee Ismaaciil Yare, Xirsi Iyo Xil Xuseen Axmed Caydiid?

Ismaaciil Aadan Cismaan (Ismaaciil yare), Hoggaamiye Xirsi Cali X Xasan iyo Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid ayaa shir jaraa’id oo ay wada jir u qabteen Axaddii waxay dhalliilo xooggan ugu jeediyeen xukuumadda madaxweyne Biixi. Siyaasiyiintan miisaanka leh ee xisbiga WADDANI ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka, caddaaladda, ammaanka iyo arrimo kale waxaana dhalliishooda jawaab aan khusayn arrimaha ay ka hadleen ka bixiyay wasiirka gaadiidka Cabdillaahi Abokor.

Ismaaciil Yareoo wakhti dheer soo ahaa wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Kaahin oo guddoomiyaha xisbiga WADDANI Dr Cabdiraxmaan Cirro ku dhalliilay hadal nuxurkiisu ahaa in saraakiil lagu dilay gobolka Sanaag dhawr cisho gurmad dalbanayeen laakiin, aan loo gurman waxaanu Ismaaciil Yare sheegay in fahansan yahay in cabashada saraakiishaasi soo gaadhay wasiir Maxamed Kaahin ka hor intii aan la layn.

Marka uu Kaahin leeyahay anigu ma ogi nimankii saraakiisha ahaa ee uu ka dhiganayo shaqo iyo magac waa beentiisa isaga Cirro been ka sheegayee waa beentiisa aniga caddaynaya in ay beentiisa tahay sideed ku caddaynaysa dhaha? Waa wasiirka Daakhiliga, subax walba wuxuu helaa warsaxaafadeed la soo diro oo gobollada waxa ka taaggan ah, subax walba wuu helaya gobollada dhibaatada ka taaggan, wuu helay ninka xidhan ee lagu xidhay Khamri uu soo gelin jiray ee la xidhay wuu haya warkiisa oo way u soo direen, dhibaato in ay askartii saraakiisha ahayd cabanayso oo dhibi jirtana wuu haysta oo iyada oo qoraal ah ayaa loo qoray waa beentiisa ee wuu la socda, ta labaad sarkaalka Asluubta ah, sarkaalka Booliska ah, sarkaalka Militariga ah iyo shacabkaba nabadgalyadooda isaga loo dhaariyay oo ka masuul ah haddii uu ogaan waayana isaga ayay nasiib darro ku tahay,”sidaas ayuu yidhi Ismaaciil Yare oo ku dooday in aanay masuuliyadda saraakiisha la laayay sidaas kaga baydhayn wasiir Kaahin.

Sida oo kale XilXuseen Axmed Caydiidoo ka hadlay khilaafka doorashooyinku wuxuu soo bandhigay qodob sharci oo sheegaya in ay doorasho guud ama doorasho Qaran tahay tan ay saddex xisbi ku tartamaan in laba xisbi tartamaana sharciga khilaafsan tahay ” In uu xeerka khilaafsan yahayna qodob ayaa inoo sheegaya, xeerka lambar 14 qodobkiisa 1-aad ee eray bixinta haddii aad akhridaan qeexidda waxa la yidhaahdo doorasho Qaran oo farqadda 10-aad ku xusan waxay leedahay doorasho Qaran maxaa loola jeeda? Waxa loola jeeda ‘doorashooyinka guud ee ay ku tartamaan saddexda xisbi Qaran. Haddii ay saddexda xisbi ku tartami waayaan doorashadaasi doorasho guudna maaha, tu Qaranna maaha iyaga magac ula bixi doona dee waxay ku sheegayaan marka halka aan ka leeyahay waa ambad oo waa riyo taas weeye,” ayuu yidhi Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo si weyn u dhalliilay qorshaha Kulmiye iyo UCID ku dhaqdhaqaajinayaan doorasho laba xisbi ah.

Hoggaamiyaha xisbiga WADDANIXirsi Cali X Xasanayaa xukuumadda ku dhalliilay xadhigga Maxamed Sidiiq Dhamme guddoomiyaha garabka dhallinyarada xisbiga WADDANI oo xukuumaddu u xidhay qoraal uu kaga soo horjeeday xaaladda degdegga ah ee qaybo ka mid ah gobolka Sanaag. Waxa uu Xirsi dhalliilay hannaanka loo maray xadhiggiisa iyo in meel aan habboonayn lagu xidhay oo jidh dil ah.

Waxa uu is barbar dhiggay eedayntii wasiirka warfaafintu u jeediyay guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro iyo tan Dhamme “Markii wasiirka warfaafintu hadlayay ee uu lahaa Cirro wuxuu xisbiga u samaystay in uu Qaranka ku dumiyo iyo ninka soo qoray waxaanu diidan nahay oo aanu ka soo horjeedna xukunka degdegga ah in lagu xidho waxaan u arka sharci darro haddii cid la xidhayo kuwa xukuumadda ee sharci darrada ku hadlay soo qabo haddii sharciga loo siman yahay,”ayuu yidhi Mr Xirsi.

Eedahan siyaasiyiinta Waddani ku dhalliileen xukuumadda madaxweyne Biixi waxaa si kooban uga jawaabay wasiirka jidadka iyo gaadiidka Cabdillaahi Abokor Cismaan oo aan marnaba soo hadal qaadin waxa uu ku difaacayo arrimaha ay dhalliileen saddexdan siyaasi laakiin, waxa uu weerar afka ah ku qaaday shakhsiyadda saddexda siyaasi oo uu mid mid u soo qaatay arrimo uu shakhsiyaddooda ku dhalliilayo laakiin, aan sal ku lahayn arrimaha ay ka hadleen.

Xukuumadda ayaan ilaa hadda ka jawaabin saxnaanta arrimaha ay sida weyn u dhalliileen siyaasiyiinta WADDANI. Waxaanay u muuqata in markii u horaysay ay cirka isku shareertay xiisadda mucaaradnimo ee WADDANI iyo xukuumadda Kulmiye kadib markii todobaadkii u dambeeyay wasiirro dhawr ah iyo masuuliyiin sarsare oo WADDANI ah saxaafadda ku yooyootamayeen.

Hase ahaatee ilaa hadda ma jiro wax horumar ah oo laga gaadhay arrimaha doorashooyinka oo muhiim u ah Somaliland kuwaas oo lagu kala aragti fog yahay.