Xukuumadda Oo Magaalada Hargeysa Ka Hirgelinaysa Xabsi Dhexe Oo Labaad.

Hargeysa (Hayaannews)-Taliyaha ciidanka Asluubta Jamhuuriyadda Somaliland oo ay weheliyaan guddoomiyaha maxkamadda sare iyo agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada ayaa si rasmi ah u dhagax dhiga xabsiga labaad ee magaalada Hargeysa oo laga hirgelinayo bariga caasimada Hargeysa.

Waxaana goob joog ka ahaa taliyaha ciidanka Asluubta, guddoomiyaha maxkamadda sare, taliye ku xigeenka ciidanka Asluubta, saraakiil ka tirsan ciidankaas, agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada, mas’uuliyiin ka socday wasaaradda Hawlaha Guud, dhulka iyo guriyeynta, maamulka shirkadda dhisaysa iyo mudan kale.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay agaasimaha waaxda dhulka ee wasaaradda hawlaha guud Maxamuud Aadan Maal, hogaanka maxaabiista ee ciidanka Asluubta gaashaanle dhexe Cabdi Xuseen Ciise iyo  hogaanka dhismaha ee ciidanka Asluubta gaashaanle sare Daahir Mawliid, waxayna dhamaantood sheegeen in culayskii iyo baahidii ka jirtay xabsiga dhexe ee Hargeysa uu kaalin mug leh ka qaadan doono hirgelinta xabsiga labaada ee caasimaddu, iyaga oo u mahadnaqay cidkasta oo gacan ka geysatay hirgelinta xabsigaas.

Sidoo kale, taliyaha ciidanka Asluubta Somaliland sareeye guuto Axmed Cawaale Yuusuf (Libaax), oo halkaas ka hadlaya ayaa sheegay in dhismaha cusub ee xabsiga labaad ee Hargeysa ay keentay baahi dhanka adeega maxaabiista ah, isla markaana laga maalgeliyey khasnadda dawladda.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay agaasimaha guud ee wasaaradda caddaalada Cabdiraxmaan Sheekh Ismaaciil Xasan iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed, oo dhagax dhigaas ka hadlay ayaa tilmaamay in uu wax weyn ku soo kordhin doono adeega haannaanaka caddaalada xabsigaasi, waxayna rajeeyeen in xabsigaas marka la hirgeliyo uu noqdo goob ay maxaabiistu kala soo baxaan dhaqan wanaagsan.