HAYAANNEWS.NET
Xukuumadda Oo Sii Daysay Laba Haween Ah Iyo kanada Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Somaliland
April 25, 2019 - Written by editor editor
Hargeysa(Hayaannews) Xukuumadda Somaliland ayaa xabsiga ka sii daysay laba dumar ah oo magaalada Hargeysa ku xidhna saddexdii bilood ee u dambeeyay. Haweenka ayaa lagu xukumay xabsi dhan laba bilood iyo badh kadib markii lagu eedeeyay in ay isticmaaleen daroogo.
Qareennada difaacayay iyo
dumarka ayaa diiday in ay isticmaaleen mukhaadaraad mamnuuc ka ah Somaliland
waxaanay ku doodeen in aan laga helin wax maandooriye ah gurigii laga soo
qabtay laakiin, dhawaan ayay si joogta ah warbaahinta Canada wax uga qortay
arrinta dumarkan taas oo keentay in xeer ilaalinta Somaliland kiiska ka noqoto
lana sii daayo.
Wargeyska Globe and Mail oo
ka soo baxa dalka Kanada oo arrintan markii u horaysay wax ka qoray ayaa
sheegay in dawladda Kanada, safiirka Somaliland ee dalka Ingiriiska Ayaan
Maxamuud iyo Garyaqaan Guuleed Axmed Jaamac (Dafac) u xaqiijiyeen sii daynta
labada dumarka ah lagana noqday kiiskii loo haystay.
Dawladda Canada ayaa
wargeyska u sheegtay in ay gacan ka gaysatay sii daynta labada dumarka ah oo
kala ahaa Maymuuna Cabdi oo 28 jir ah iyo Karima Watts oo 23 jir ah kuwaas oo
Somaliland u yimid hawlo la xidhiidha la dagaallanka tacadiyada haweenka.
Dawladda Canada oo aan
aqoonsanayn Somaliland ayaa ku tilmaantay dawlad iskeed ugu dhawaaqday madax
bannaani oo citiraaf raadis ah waxaanu wargeyska Globe And Mail sheegay in
dawladda Canada dhammaan muwaadiniinteeda uga digtay u socdaalidda Somaliland
iyo Soomaaliya iyada oo kula talisay in aanay u socdaalin loona qabsan karo
madax furasho lacageed.
“Dhammaan Ajaaniibtu waxay
halis heerkeedu sareeyo ugu jiraan in lagu afduubto guud ahaan Soomaaliya oo ay
ku jirto Somaliland. Dhawr qof oo ajaanib ah oo arrimo bani’aadanimo ka
shaqaynayay ayaa la afduubtay,” Sidaas ayuu wargeysku ka soo xigtay Bogga
dawladda Canada ee talooyinka siiya muwaadiniinteeda.
Ma cadda in digniintani la
xidhiidho kiiska labadan dumar ah oo ay si weyn indhaha ugu hayeen todobaadadii
u dambeeyay warbaahinta Canada iyo ururada xuquuqal iinsaanku.
COMMENTS
|